|

Kenya Oo War Cusub Kasoo Saartay Eedaysane Xasan Xanafi

Nairobi:Aug,23,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Dambi-baadhista dalka Kenya ayaa sheegay in Eedaysane Xasan Xanafi Xaaji oo gacanta ugu  jiray uu Haatan Qirtay inuu Yahay Xanafigii dhabta ahaa ee la raadinayey.

xanafiMarkii Xasan Xanafi Xaaji ay qabteen ciidamada ammaanka dalka Kenya, waa uu ka biyo diidsanaa inuu yahay Xasan Xanafi Xaaji, isaga oo sheeganayay magac kale oo ahaa Yuusuf Xasan Abdisalaan.

 

Sarkaal ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado, ayaa usheegay Wakaalada Wararka AP in baadhitaan dheer, kadib in Xasan Xanafi Xaaji uu qirtay inuu yahay eedeysane ay doon-doonayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Sarkaalkan ka tirsan Booliiska dalka Kenya inay hada qorsheynayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wareejiyaan Xasan Xanafi Xaaji, maadaama Dowladda Soomaaliya ay hore usoo codsatay in shaqsigan lagu soo wareejiyo.

Warqado sheegayay inuu Xasan Xanafi Xaaji yahay Kenyan ahaa, ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa been abuur ah, sidaasi waxaa sheegay Sarkaalka Booliiska Kenya ka tirsan ee warkaan laga soo xigtay.

Xasan Xanafi Xaaji, ayaa ku eedeysan inuu ka dambeeyay dilal dhowr ah oo Magaalada Muqdisho loogu geystay Wariyeyaal Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana soo eedeysay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Booliiska Dalka Kenya, ayaa Xaafada Islii ee ay Soomaalida degto Magaalada Nairobi ka qabtay Sarkaal Xasan Xanafi Xaaji oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka Warfaafinta, sidoo kalena u qaban jiray shaqooyin kale.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed