|

Gabiley Oo Lagu Wado Inay Noqoto Goobtii Ugu Horraysay Ee Maayar Cusub Doorata Kana Faa’iidaysata Oggolaanshiyaha uu Dhawaan Waran-cadde Bixiyey

Gabiley:Aug,23,2014(SDN/QJ)-Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Gabilye, ayaa lagu wadaa inay dhawaan aqlabiyadoodu isku raacdo doorashada Maayar cusub iyo xilka-qaadista Midka Haatan Talada Haya.

goynSida ay qaar ka mid ah Mudanayaasha Goluhu warbaahinta u sheegeen, waxa la dhawaan kulan xilka lagaga qaadayo Maayar shucayb iskugu iman doono Xildhibaanada, Waxana ay xuseen inay taas Beddelkeeda ay isku raaceen ciddii lagu Beddeli lahaa.

Wararka Gabiley laga Helayo ayaa intaas ku daraya in Tiro badan oo ka mid ah Xildhibaanadu ay isku raaceen inay Xildhibaan  Amiin Cumar Dheere u doortaan Maayarka xilka kala wareegi doona Maayar shucayb oo ay xildhibaanada si weyn isku hayeen muddooyinkii ugu dambeeyey.

Xilka-qaadistan lala damacsan yahay Maayar Shucayb ayaa ka dambaysay markii Toddobaadkii dhamaaday uu wasiir Warancadde si rasmi ah ugu dhawaaqay in haatan wixii ka dambeeya Xubnaha Golayaasha Deegaanku fasax u haystaan inay mooshino xilalka lagaga qaadayo ka keeni karaan Maayarradooda.

Muran muddo dhaaf ahaa ayaa soo dhex yaallay Maayar Shucayb Maxamed Cilmi iyo Xubno badan oo Golaha Deegaanka ka mid ah, waxana inay xilka qaadaan hore ugu diiddanaa Sharci ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku diidanayd inay in Mooshino laga keeno Maayarrada Dalka.

 

Gabiley ma noqon doonto meesha ugu horraysa ee  Xildhibaanada Golaha Deegaanku Maayarkooda mooshin ka dhan ah keenaan, waxase jira meelo badan oo Maayarrada iyo Xildhibaanada kale isku diidan yihiin, kuwaas oo la filayo inay xilka-qaadis ku sameeyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed