|

Shabaabka oo in nin Kenya u dhashay Madaxa ka jaray iyo Muslimiin ay la qabteen oo ay sii daayeen

Garisa Aug 23,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkan xadka Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ka afduubteen tiro Kenyan ah  oo ay qaar ka mida oo Muslimiin ahaa sii daayeen halka ruux Masiixi ahaana ay Madaxa Ka jareen.

Ciidamada Kenya oo isku day ay doonayeen in ay ninkan ku soo furtaa suurto geli waayay ayaa waxa ay sheegeen in ay heleen meydka George Mwita.

Dadkan Kenyanka ah ee ay qafaasheen Shabaabka ayaa Qaad u iib geeyay Soomaaliya ka dibna waxa xadka ku qabtay ciidamo Shabaabka ka tirsan.

Taliyha Ciidamada Kenyaa ee degaanka Lamu Njenga Miiri ayaa saxaafda u xaqiijiyay in Shbaabku ay madaxa jareen ruuxii qura ahaa ee Masiixiga ahaa ee gacantooda galay todobaadkan ay dileen halka ay sii daayeen sadex ruux oo Muslimiin ahaa.

Kenya ayaa xadka ay la wadaagto Soomaaliya amaan daro baahsan oo ka jirta la tacaaleysa wax ka qabashadeeda.

Comments are closed