Kenya Oo War La Yaab leh Kasoo Saartay Weerarkii Westgate
Nairobi:Aug,22,2014(SDN/QJ)-Warar si weyn looga Hadal hayo Gudaha Kenya oo la xidhiidha weerarkii sanadkii tegay lagu qaaday Xaruntii Ganacsiga ee Westgate, ayaa waxa soo saaray ciidanka Nabadgelyada Dalka Kenya.
Kooxaha Xog-raadinta u qaabilsan Ciidanka Kenya ayaa sheegay inay Gacanta ku dhigeen Hubkii lagu weeraray Xarunta Westgate, kaas oo ay tilmaameen inay Isla-xarunta Gudaheeda Ka Heleen.
Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo lagu magacaabo Lawrence Nthiwa ayaa tilmaamay in ka war heleen war bixin sheegeysa in hub ay ka tageen kooxihii weerarka ku qaaday Westgate Mall ka heleen gudaha xarunta Mall-ka, wuxuuna intaasi ku daray sarkaalkaan Booliska Kenya in Xogtan ay ka heleen dad goob joogayal u ahaa xiligii weerarka uu dhacayay.
Hubkan oo waxyeelo ka muuqato ayaa laga dhex helay goob ganacsi oo ku yaalla qeybta sare ee Westagte Mall, waxana ay ciidanku ku andacoonayaan inay Kooxihii sitay Halkaas kaga tageen ka hor intii aanay Goobaha qarxin.
Hubkan gacanta ay ku dhigeen Booliska Kenya lagana helay gudaha Ganacsiga Westgate Mall ayaa lagu soo bandhigay Maxkamada dalkaasi,waxana la aaminsan yahay in kooxihii weerar qaaday oo Al-shabaab ka tirsanaa inay ka tageen.
Maxkamadaynta afar nin oo lagu eedeeyay inay cawiyeen weeraryahanadii Westgate Mall sanadkii tagay 2013-dii ayaa ka socota dalka Kenya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com