|

“Nasiib darrada haysata maamulkan Siilaanyo waxa weeye , wax Allaale iyo waxii codka siiyey ayuu ugu daran yahay” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ah Xildhibaan Kulmiye ah, ayaa Dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inaanay Codkooda siin Kulmiye oo uu sheegay inuu majarahabaabiyey horumarkii dalka.

 

Xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada ugu cad-cad Kulmiye ee Golaha wakiilada ugu jira ayaan ku qanacsanayn sida Xukumaddu u wado Hogaanka Dalka.

“Waxaan jecelahay in aan ka hadlo arrinta Waqooyiga Burco ee muddooyinkanba imika jirtay oo runtii aanu islahayn waxaa laga gaadhayaa xal waara,hasayeeshee illaa imika rafanaysa,waxaa aanu nahay dad wada dhashay oo halkaa wada yaala. Anigu Xildhibaankii Deegaankaa Laftiisa dhibaatadaasi ka dhacdey baan ahaa,codka dadkii isiiyey ayaa ay ka mid ahaayeen dadka halkaasi daga ee deegaankaasi,waxaan ka cudur daaranayaa gaabiska runtii oo aniga oo hawla badan oo aan ku jiray darteed ah,hasayeeshee hawsha waan la socday oo  wararka waanu kala heli jirney ,waxaan aad iyo aad uga xumahay horta beeshaasi waxaa ay ka mid tahay beelihii boqolkiiba boqol codka siiyey Siilaanyo,nasiib darrada haysata maamulkan Siilaanyo waxa weeye in uu, wax Allaale iyo waxii codka siiyey ayuu ugu daran yahay, wax Allaale iyo waxii ka soo horjeedayna waa u nasteex.

Diintu ma qoreyso sidaas Akhlaaqiyaadkuna ma qorayso, Aadam nimaduna ma qorayso,waana wax la yaableh weeye oo mucjiso ah,markaa waxaan uga digayaa umadda reer Somaliland in aan Xukuumada Siilaanyo Mardanbe codka la siinin ileyn sidaas ayaa uun ku dhacaysee,mar danbe in aan maamulkaa Siilaanyo la siinin codka ayaan dhawaaq dheer,ku sare iyo ku hooseba aan umadda reer Somaliland aan u sheegayaa,waayo waxaa aad mutaysanaysaa halka aad abaal gud ka mutaysan lahayd ciqaab ayaad ka mutaysanaysaa”. Ayuu Siciid Cilmi Rooble yidhi isagoo u waramayay Geeska Africa

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu ka hadlay taariikhda Baliga Diiriye Guuleed waxaanu yidhi “Waxaa kale oo aan la yaabanahay waxa weeye Baligan 300 oo Sanadood ka hor ayaa uu jirey,bali waqafa ayaa uu ahaa,tuulooyinkan imika hareeraha ka xiga ee imika la sharciyeynayaa waa tuulooyin shalay ah gabi goodubana waa intii dalka la soo galay weeye oo intii la soo galay ayuunbaa Tuulooyinkan la sharciyeeyeynayaa abuurmeen kanina 300 oo Sanadood ayaa uu jirey markii ay reer Sheekh Isaxaaq ka soo baxeen Xeebaha dalka dee Baraago may jirin,umaddu dee baliyaashaas ayay samayn jirtay.

Baliyaashaas ayaa deedna waqaf ahaan jirey oo laga cabi jirey,waxaan la yaabanahay waxii 300 ee Sano ka hor jirey in la tir tiro kuwii shaley abuur mayna in la sharciyeeyo.waa cadaalada darro weeye qabyaalad cad weeye arrin runtii lala yaabo weeye.”

 

Waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble la yaab ka muujiyay sababta dadka aqoonta u leh degaanka la isku hayo loogu diri waayay “mida kale waxaan la sii yaabanahay Gobal dhan oo togdheer la yidhaahdo ayaa jira umadd dhan ayaa ku nool waa ay garanayaan Odayaal badan ayaa ay leeyihiin,Guurtibaa ay leeyihiin,Waayeel ayaa ay leeyihiin oo arrimaha caynkaas oo kale ah dee ay khilaafaadka dadka wada yaala dhex mara Gobolka iyo Dagmada ayaa ku shaqo leh,laakiin Meesha Kalshaale ayaa laga dhigay,Tigniko ayaa lagaliyey Waxaana nasiib darro ah in Madaxweyne Siilaanyo uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Beeshiisa ka adkaan waayey oo Meel Allaale iyo meeshii Beesha Siilaanyo ku shaqa leedahayba dhibta ina haysata, dee Tigniko ayuun baa la galinaya.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed