Cabsi Iyo Walaahoow la Soo Deristay Maayaro badan oo ka Mid ah Golayaasha Deegaanka kadib markii la fasaxay In Xilka laga qaadi karo
Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in golayaasha degaannada dalku u fasax u yihiin fadhiyo ay xilka kaga qaadi karaan maayarradooda ama guddoomiyeyaasha ay doorteen.
Sidaa waxa uu Cali Warancadde ku sheegay shalay mar uu warbaahinta la hadlay kadib markuu dhammaaday kulan uu la yeeshay Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada,
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde,ayaa waxa uu yidhi “Golayaasha degaanka waxaan ka soo saaray wareegto sannadkii hore oo aan ku amray in aan xilka laga qaadin ama wax dacwad ah lagu soo oogin maayarrada, sababta aan uga jeedayna waxay ahayd had iyo jeer marka golayaasha degaannada la doorto waxa innagu bilaabma is qabqabsi, kadibna niyad-jab ku dhaco dadkii amma degaannadii soo doortay, markaa in la daayo oo waqti la siiyo ayey iga ahayd, muddadaasna lagu ogaado ninka shaqaynaya iyo ka hawshiisa gabay. Markaa waqtigii wuu dhammaaday oo wareegtadu waqtigaasi (muddada sannadka) ayey ku koobnayd,”.
Dhinaca kale Maayaro badan ayay arrintani ku abuurtay Walaac hor leh oo ay ka qabaan in fasaxa Wasaarada Arrimaha Guduhu uu Galaafto Xilka loo Igmaday Waxaana ugu horeeya Maayarka Gebilay oo tiraba dhawr jeer ay aqlabiyada golahaasi soo jeediyeen in Xilka ay ka qaadaan,Sidoo kale Maayarka Burco ayaa soo raaca Gudoomiyeyaasha Cabsidu dul hoganayso.
Maayarka Caasimada ayaa isagu ilaa Shalay ka hadlayay in aanu Jirin Mooshin ay Mudanayaasha Golihiisu Xilka kaga qaadayaan.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com