Boliska Somalia Oo Bahdilaad iyo Xaqiraad Kala Kulma Ciidamada AMISOM Ee ay Wada-shaqeeyaan
Muqdisho:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Ciidamada ka tirsan Boliska somalida ee ka Hawlgala Garonka Muqdisho, ayaa bahdilaad iyo xaqiraad baahsan kala kulma Ciidanka AMISOM ee Isla halkaas ku sugan.
Boliskan ka tirsan somalida, ayaa subax kasta marka ay shaqada soo gelayaan waxa si joogta ah u baadha Dhiggooda AMISOM, oo muujiyey inaanay ku kalsoonayn shaqada ay Halkaas ka hayaan, isla-markaana sida cadawga oo kale loo baadhayo.
Sawirro dhawaan lagu Baahiyey bararha Bulshadu ku xidhiidho, ayaa muujiyey booliska somalida ee Garoonka Aadan Cadde ka Hawlgala oo Safaf dhaadheer ugu jira baadhitaano AMISOM ku hayso, waxana ay taasi dadka shacabka ah gelisay dareen cadho leh oo ka dhan tah dhaqanka Ciidanka AMISOM.
Dadka qaarkood ayaa sheegaya in Sawirradani Muujinayaan in Amisom ay tahay Maamul ka awood-weyn Dawladda Federaalka ee Muqdisho,marba hadii Booliiska Garoonka Muqdisho ka shaqeeya,maalin walba ay baadhayaan Ciidamo Amisom ah oo naftoodda ku aamini-waayay,una arka Askarta Soomaalidda kuwo aan la isku aamini-karin.
Hadaba sawirkan kolka aad si Xikmad leh u daawato,waxaa ku sawirmaya Dawlad Federaal Soomaaliyeed inaanay Muqdisho ka jirin,balse Muqdisho ay Dawlad ka yihiin Ciidamadd AMISOM
Sawirkan waxa uu Bahdilaad ku yahay Askarta Soomaalidda iyo guud-ahaan dadka aaminsan magacii Soomaali la odhan-jiray, marba hadii maalin-walba ay Garoonka marka ay galayaan qaabkan loo baadho loona bahdilo.
SDN/QJ