|

Hargeysa:Masuul Sare Oo Sheegay In Masaajidadda iyo Kiniisaduhu U Siman Yihiin Iyo Shacabka Oo Amakaagsana

Hargeysa:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Hadal-haynta ugu badan ee Shacabka reer Hargeysa, ayaa noqotay masuul Dawladda Hoose ee Hargeysa ka tirsan oo ku tiraabay Hadal ka dhan ah islaamnimada.

yeebIid Cabdilaahi Huriye oo agaasime ka ah Waaxda Bilicda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Mar wax laga weydiiyey Masaajid uu  ku xidhay Dayr weyn ku dhawaaqay inaanu masaajidku uga duwanayn Kiniisadaha dalka aan islaamka ka baxsani isticmaalaan.

Masaajidka Masuulkani Kiniisadda la simay ayaa ku yaalla Garabka Midig ee Wasaaradda Caafimaadka, waxana ay Dawladda Hoose gebi ahaanba Dayr ku xidhay Masaajidkaas oo laga Xarrimay inay Galaan Dadka Halkaas Deggeni, taas oo shacabku si weyn uga Shaki qabaan Tallaabda Dawladda Hoose ku xayirtay Masaajidka lagu cibaadaysto.

Agaaasimahan ayaa aad uga cadhooday su,aalo badan oo ay weydiiyeen dad badan oo shacab ah oo ku soo xoomay dayrkan oo mudooyinkani muran badan ka taagnaa dhismihiisa siiba masjidkan albaabka laga xidhayo,waxaa uu agaasimuhu dadkan shacabka ah hortooda kaga dhawaaqay erayo naftiisa halis galin gadhay oo aad uga cadhaysiiyay dadkii goobtaasi ku sugnaa isagoo wakhtigaasi uu taagnaa imaamka masaajidkaa oo isna ka mid ahaa dadkii ninkaasi kula dagaalami gaadhay erayadaasi ka baxsan akhlaaqiyaadka Ruuxa Muslimka ee Asha-Haadanaya,waxaa uu si kooban u yidhi “Aniga Kiniisad Iyo Masaajid Iima Kala Duwana,Anigoo Washington Jooga Oo Asha Haadanaya Ayaan Hadana wax walba Cabayay”.

 

Agaasimahan ayaa u qaabilsan Dawlada Hoose ee Hargeysa dhinaca qurxinta bilicda caasimada Hargeysa,dadkani ku soo buuqay shalay markii arkeen sidan uu u hadlayo iyo inuu qurbaha ka yimid ayaa waxa ay weydiiyeen oo ay u sheegeen in dalkani dagaal loo soo galay oo dadkan uu dayrka ku soo xidhayaa ay ku jiraan dad mujaahidiintii SNM ka mid ah,isagoo kalmadahaasi aad uga cadhooday ayaa waxa uu hadana ku juwaabay oo uu ku celiyay erayadan “Meel Ragga lagu guursado oo lagu kufsado ayaan ka imid,labaatan sanadood oo aanan garanayn waxaan ahaa ayaan halkaasi ku noolaa,yaa iga mujaahidsan adeer ee dhibtaa soo maray”. Agaasimaha bilicda ayaa markii uu intaa yidhi ee ay dadkii ku soo bateen meesha iskaga tagay hase yeeshee waxaa markii danbe ka dhacay buuq ay samaynayeen dad aad uga xumaaday masjidka albaabada laga degayo.

 

Dhismaha Dayrkan ayaanay dad badani fahmin waxa ay dawlada hoose uga jeedo inkastoo maayarku maruu ka hadlay uu ku macneeyay inay ka mid tahay qurxinta caasimada laga wado qayb ka mid ah,hadalkaasi maayarku ka soo yeedhay uma cuntamin dadbadan,waxaa kale oo beeniyay hadalkaa maayarka qaabka dayrka loo taagay Shalay oo u sansaan eg goob meherado waliba bakhaaro ganacsi ah laga furayo,arintaasi oo xoojinaysa wararkii la isla dhex marayay tan iyo maalintii dhagax la soo dhigay ee dadku isla dhex mariyeen hadalo ay ay ka mid yihiin waxaa laga iibiyay masuuliyiin dawladeed

 

Xigasho:Wargeyska FOORE

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed