|

Khilaaf Gilgilay Dawlad-Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Keenay In Xubno Sare Xilalkoodii Waayaan iyo Dawladda Dhexe Oo Soo Farogelisay

Addis Ababa:(21,Aug,2014(SDN/QJ)-Khilaaf dibadda u soo baxay oo soo kala dhex galay Maamulka Sare ee Dawlad-deegaanka somalida Ethiopia ayaa keenay Dhammaan Xubanaha Guddida Fulinta ee Xisbiga ESPDP looga yeedho Magaalada Addis Ababa.

inaceTallaabadan loogu yeedhay Xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga Somalida Ethiopia ayaa lagu sheegay mid la doonayo in Xarunta dhexe ee Dalka laga Maamulaa ku doonayso inay turxaanta jirta meesha kaga saarto.

Sida ay dad kala duwan noo xaqiijiyeen laba maalmood ka hor ayay xubno door ah oo ka tirsan guddiga fulinta xisbiga codsadeen shir dag dag ah in loo qabto si loo saxo qaladaad jira, kadibna sida laga soo xigtay qaar kamid ah xubnahaasi uu gudoomiyaha xisbiga Maxamed Rashiid ugu jawaabay inaanu taageeraynin kooxaysi Kooxba Dhinac ka soo jeedsato.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii DDSI Cabdulaahi Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu shalay  galab tiriyey xilkii Hogaanka Nabadgalyada  Ahna Xil Xaga Dawlada kililka ah xilka ugu Awooda badan kuna wareejiyay  Ku xigeenka Hogaanka ahna ku simaha Xafiiska Nabadgalyada Shukri Badal.

Xil-wareejinta oo ay goob joog ku ahaayeen dhamaan ku xigeennada Xafiiska Nabadgalyada iyo Komishinerka Booliska sida wararku sheegayaan ayaa u dhacday si nabadgalyo ah oo u Mudane Cabdulaahi Yuusuf Weerar (C/laahi Itoobiya) si habsami ah u macasalaameeyay kursiguu ku fadhiyay  lix sanadood Ahaana Ninkii ugu awooda badnaa Kililka Marka laga reebo madaxwaynaha Laakiin inta wali ogyahay ah madaxwane xigeen.

 

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa ah mid  yara daggan sida ay noo sheegen dad kala duwan oo aan kala xidhiidhnay, walow ay xiisadani saamayn ku yeelatay shaqada xafiisyada dawlada iyadoo dadka siyaasada u dhuun daloola u dhag taagayaan go’aanka ay guddiga fulinta xisbigu kala soo laabtaan Addis Ababa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed