|

Somaliland:Xildhibaankii Kali ahaa Ee Mucaaridka ah ahaa Mudanayaasha Guurtida Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xalay Fiidkii hore xabsiga dhigay Xildhibaan Jaamac Riyo oo Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland, isla-markaana ah xildhibaanka kaliya ee mucaarid ka ah Golihiisa dhexdiisa.

jaamac riyoXadhiga Xildhibaanka ayaa yimi markii yimi saacado kadib markii uu kasoo noqday Deegaanka Balli Diiriye ee Muranku ka taagan yahay, waxana wararka qaar sheegayaan inay is af-dhaafeen xildhibaan Nan-nac oo madaxtooyadu u adeegsatay Odayaashii Beesha Cabdalle Arab ee Dhawaan xabsiga la dhigay.

Isku dhaca Ladan Xildhibaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay Dalab uu Xildhibaan Nacnac watay oo ayaa inuu Odayaasha Beesha Cabdale Arab hor geeyo Madaxweyen Siilaanyo, taas oo uu Xildhibaanka kalena iska diiday, isagoo ku andacoonaya ilaa Go’aamada soo baxay wax laga Beddelayo inaanay Madaxtooyada geli doonin.

Xildhibaan Jaamac Riyo oo haatan ku jira Gacanta Ciidanka Boliska ayaa caan ku ah mucaaridad uu ula badheedho xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu inta Badan aragtidiisa ku cabiraa Dhinaca Suugaanta oo uu cabqari ku yahay, isagoo Heeso saamayn badan ku yeeshay Xukuumaddan Haatan hore u tiriyey, isla-markaana Codkiisa ku qaaday kuna Luqeeyey.

Waa Markii ugu horraysay Taariikhda Somaliland oo Xildhibaan Xasaanad leh xabsiga loo taxaabo, waxana Xukuumaddan Haatan ay Noqotay mid aan sharciga iyo kala dambaynta waddanka dhawrin, iyadoo hore xabsi u dhigtay Xildhibaano ka tirsan Kuwa Golaha deegaanka ee Shacabku soo Doorteen xilli aan laga qaadin xasaanaddii ay Haysteen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed