|

Dawlada iyo Mucaaridka Jabuuti oo yeeshay kulan looga wadahadlay sidii dalkaa degenaasho siyaasadeed loogu soo dabaali lahaa

Jabuti Aug 21, 2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa kulan la yeesha madaxda dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN oo uu hogaaminayo Md Ismaciil Geedi Xareed.

Labada dhan ayaa ka wada hadlay sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa xiisadihii ka dhashay doorashooyinkii Jabuuti ka dhacay sanadii 2013dii horaantiisii.

Labada dhan ayaa yeeshay kulan lab xaarid ahaa oo dodo adag la isku weydaarsaday iyada oo labada dhan ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in xal looga gaari karayo xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Madaxweynaha Jabuuti iyo dalada mucaaridka ee USN ayaa isla qaatay in dib loo kulmo si labada dhan ay u wada sexeexaan heshiis hagi doona wadahadalada.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa loo xil saaray in uu soo jeediyo xiliga kulanka danbe iyo hanaanka wadahadalada ay labada dhan yeelan doonaan.

Mucardka iyo xukuumada Jabuuti ayaa tiroba dhawr jeer waxa ay isku afgaran waayeen wadahadalo hore oo lagu doonayay in lagu xaliyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Wadahadaladan ayaase ah kuwii u horeeyay ee madaxweynuhu hogaamiyo isla markaana isagu uu dal baday.

 

SDN/QJ-Jabuti

contact@qurbejoog.com

Comments are closed