|

Addis Ababa:Shir looga hadlay qaxootiga Afrikada bari oo la soo gabagabeeyey

Addis Ababa 20.Aug 2014 (SDN/QJ)- Kulan looga hadlayey arrimaha qaxootiga ku nool dalalka Afrikada bari ayaa galabta ( Arbaca) lagu soo gaba gabeeyey magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

addis-21-300x168Kulanka oo socdey maalin waxaa soo qaban qaabisay hay’adda qarammada midoobay u qaabbilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, waxaana ka qayb galay madax ka kala socotey dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Ugaandha iyo Yemen, waxaana kala qayb galay UNHCR iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shirka ayaa waddammada dariska la ah Soomaaliya iyo qarammada midoobey uga  mahad celiyey martigalinta iyo daryeelka in ka badan 1 milyan oo qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka codsaday shirka in iyada oo la sii wado marti galinta iyo ilaalinta xuquuqda qaxootiga Soomaalida ah iyo in dowladda Soomaaliya gacan lagu siiyo hirgalinta siyaasaddeeda soo celinta qaxootigeeda.

Madaxda iyo hay’adaha ka qayb galay shirka ayaa wada jir u soo saaray war-murtiyeed  qeexaya in la aqbalay, lana dhaqan galinayo  codsiga ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed.

Addis Ababa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed