Gudida Siyaasadda Miisaaniyada Qaranka oo labadii Cisho ee u danbeeyay Kormeer ku maraya Laba Gobol oo Dhaqaale lagu Tuhmayo DAAWO
Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Waxa Labadii Cisho ee u danbeeyay Gobolada Gebilay iyo Saaxil socdaal ku galaa-bixiyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir, Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri.
Masuuliyiintan oo xubno ka ah Guddiga heer Qaran ee Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxay kormeer ay ugu kuur-galayaan heerka dakhli-ururinta ku tagay xarumaha ilaha dhaqaale ee gobolka Gabiley.
Guddiga Miisaaniyadda heer Qaran iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa ay korkeer ku mareen Kastamka Cashuuraha ee magaalooyinka Kala-baydh iyo Tog-wajaale iyo Dekeda Berbera, halkaas oo kulamo ay albaabadu u xidhan yihiin warbixinno kaga dhegaysteen masuuliyiinta xarumahaas.
Waxay inta badan Mas’uuliyiintani kala hadleen Madaxdii ku sugnayd Goobihii ay Marayeen Sidii ay u rumayn lahaayeen Odoroska Miisaaniyada Sannadka inagu soo foolka leh ee 2015 oo ay Wasaarada Maaliyadu qaranka uga mas’uul tahay isla markaana ay Gudida Heer qaran ee Siyaasada Miisaaniyadu ay Wasaarada ka gacan siinayaan sidii ay Odoroskeeda ugu Jaangoyn lahayd dhaqaalaha dalka.
Waxaa kale oo ay Gudidani la Kulmeen Xubnaha Ganacsatada oo ay ka wada xaajoodeen Meelaha la rabo in sannad miisaaniyadeedka danbe Culayska ay saarayso Wasaaraddu.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com