Madax dhaqameedyo Xabsiyada Ku Jira iyo Xukuumada oo Si Is burinaysa u soo saartay Qodobo lagu Ilaalinayo Xuquuqda Hogaanka Dhaqanka
Hargaysa 19.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuummadda Somaliland,ayaa markii ugu horraysay soo saartay qdobbo lagu dhawrayo xuquuqda madaxdhaqameedka Somaliland,waxaana lagu tilmaamay qodobada dhawrista xuquuqda madaxdhaqameedka in ay u yuhiin lagama maarmaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee ay bulshada u hayaan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maamta wareegto ka soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan qaranka Somaliland.
Wasiirka ayaa wareegtada uu soo saaray oo ka koobnayd afar qodob ku sheegay in Madaxdhaqameedka reer Somaliland Dalka oo dhinaca amaanka hawl culus oo tabaruc ah ay ka hayaan islamarkaan wasaaradda Arrimaha gudaha ka taageeraan hawlaha amaanka.
Qodobada ayaa u dhignaa sidan
1. In la Dhawro Sharafta iyo Karaamada Madaxdhaqameedku leeyahay
2. In loo fududeeyo Gacanna lagu siiyo Gudashada hawlaha ay umadda u hayaan ee nabad galyada iyo Xallinta khilaafaadka
3. In Caaqilka Jabiya Qodobada Sharciga ah, xadhigiisa loo soo maro wasaaradda Arimaha gudaha, islamarkaana lala soo socodsiiyo Gudoomiyaha Gobolka ay Arintaasi khusayso
4. Inaan la xayiri Karin Mushaharka Caaqilka ama Madaxdhaqameedka haddii aanay jirin sabab Kalifaysa.
Wasiir Warancadde waxa uu amray Badhasaabada iyo laamaha amaanka ee dalku inay meel mariyaan Wareegtadan.
Geesta kale wareegtada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudha Somaliland,ayaa ku soo beegmaysa xilli ay qaar ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Togdheer ay u xidhan yihiin shaqaaqo colaadeed oo a taagan deegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo dhanka waqooyi ka kulaalaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com