Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo Oo Safaf Dhaadheer Ugu Jira Casuumadda Dhaantayahanno Jig-jiga Kasoo Ciyaar Guday iyo Xidigaha Geeska Oo La Karantiimeeyey
Hargeysa:Aug,19,2014(SDN/QJ)-Wasiirrada ku jira Xukuumadda madaweyne Siilaanyo ayaa safaf dhaadheer ugu jira casuumidda iyo la-tamashlaynta Fannaaniin kasoo ciyaar guday deegaanka Kililka shanaad ee Ethiopia.
Fannaaniintan oo muddo Toddobaad ah ku sugan Magaalada Hargeysa, isla-markaana ay xukuumaddu si gaar ah usoo casuuntay, ayaa munaasibado kala duwan ku qabtay Huteello waaweyn, waxana ay dhaantooyin u badan Ammaanta Madaxweyne Siilaano saarka kaga saareen Saraakiisha xukuumadda ka tirsan iyo waliba Qurbejoog xukuumadda xidhiidh fiican la leh oo haatan dalka kusoo guryo noqday.
Wasiirrada xukuumadda ka tirsan oo iyaga intooda badan uu faro baas ku hayo saarka dhaantadu, ayaa bilaabay inay kala hororsadaan casuumad gaar ah oo ay fannaaniintan u sameeyaan, waxana la qadeeyey haatan wasiirka arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde, halka tiro kale oo wasiirro ahina maalmaha soo socda la tamashlayn doonaan Fannaaniitan reer Jigjiga.
Xukuumadda oo ay ugu horrrayso Wasaaradda Warfaafintu ayaa iyagu karantiimeeyey fannaaniintii qaranku lahaa ee Xidigaha Geeska oo dadku si weyn ula dhacsan yihiin Heesahooda, waxana laga joojiyey Tv-ga iyo idaacadda Dawladda Heesihii Kooxdani lahay, iyadoo sababtuna tahay inay Barnaamij u duubeen Tv-yo dalka ka baxsan.
Kharashka ku Baxay Kooxdan Reer Jigjiga soo xerogelintooda iyo Casuumadooda, ayaa dadku si weyn u hadal hayaan, waxana muuqata in lagu baab’inayo Hanti meelo kale oo baahi badan u qabta wax lagaga qan lahaa.
Kooxdan ayaa lagu wadaa inay dhawaan la kulmaan Madaxweyne Siilaanyo marka ay soo dhamaystaan Quyuuga dheer ee dhinaca Casuumadaha ah, lamase Garanayo inay Dhaantada u garaaci doonaan Madaxweynaha Laftiisa oo dhinaca ammaanta ay isku wanaagsan yihiin.
Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay Barnaamij ay ciidii ina dhaaftay Fannaaniinta qaranka ee Xidigaha Geesku u qabteen TV-ga Universal oo ay u taqaanno cadow ka dhan ah qaranimada, waxanana ay taasi keentay in xidahaga Geeska laga jaro mushaharkii ay ka qaadan jireen Xarunta Tv-ga qaranka oo ay ka tirsanaayeen.
Saarka dhaantada oo xubnaha xukuumadda intooda badan, gaar ahaan inta ammaanka madaweynaha kaliya shaqadooda u haysta ku fogaaday, ayaa dareen dhaw kula socda Fannaaniintan, waxana inta ay dalka joogaan gacanta ku Haynaya wasiirrada u heellan inay sawirro lasoo galaan.
SDN/QJ