Miisanka Madbacada Qaranka (State Printing Agency) iyo Moogananta Maamulka ka Jira
Madbacada qaranku waa hayad kamida hayadaha madaxa banaan ee dawlada (Independent agency) waxa lagu aasaasay 1997kii wareegto madaxweyne (Presidential Degree No: 02/97) iyadoo waajibaadkeedu (Mandate) yahay daabacaada dhamaan dhokomentiyada kala duwan ee waaxaha qaranka si loo xafido loona kaydiyo tixraaca dhamaan adeega daabacaadeed ee xaasaasiga ah (Security of Sensitive Printing) ee hayadaha kala duwan ee qaranka taasoo muhiim u ah maamul wanaaga (Good governance), isla xisaabtanka (Accountability) iyo hufnaanta shaqada dawlada (Transparency of Public Works).
Tan iyo markii la aasaasay waxa soo maray 7 maareeye kuwaasoo inta badan shaqadooda ku waayi jiray kacdoono kaga yimaada shaqaalahooda.
Qaab-dhismeedka madbacada qaranku waxa uu u yaalaa sidan:-
.
Maareeyaha iyo ku xigeenkiisa waxa magacaaba madaxweynaha, intaa wixii ka danbeeyana maareeyaha ayaa awood u leh magacaabista agaasime waaxeedada iyo cidii kale ee gudaha madbacada xil ka qabanaysaba iyadoo ay ka sii farcamaan sadex madax-qaybeed oo kala ah madaxa shaqaalaha, madaxa bakhaarada iyo madaxa baydhinka (Binding), intaa wixii ka soo hadhaana waa shaqaale caadiya iyadoo guud ahaan shaqaalaha madbacada qaranku tiro ahaan gaadhaan inta u dhaxays 50 ilaa 60 shaqaale ah.
Hadaba qormooyinkan oo aynu si taxane ah ugu soo bandhigi doono macluumaad iyo warbixino ku saabsan madbacada qaranka oo sida aynu tilmaami doono ka hadhay horumarka ay ku faanto dawlada maanta jirtaa ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne siiraanyo runtiina aad moodo haayad xukuumadu si wayn u ilduuftay kuwii madaxda looga dhigayna ay tahli kari waayeen inay sameeyaan nidaam maamul oo leh qorshayaal horumarineed oo lataaban karo isla markaana aan samayn horumar muuqda mudadii afarta sano ahayd ee xukuumadani jirtay, marka laga eego dhinacyada mushahar kordhin la’aanta shaqaalaha, tirakoob la’aanta baahida daabacaadeed ee hayadaha qaranka , curin la’aanta sharcigii madbacadu ku shaqayn lahayd oo aan ilaa imika jirin, horumar la’aanta ka muuqata mashiinada daabacaada oo black and white ah isla markaana aan daabici karayn colour-ka , iskadaa inay hiigsato daabacaadaha casirga ah ee loo yaqaano (digital printing), xafiisyadii gobolada oo aan furnayn.
Sidaa darteed akhristayaal waxa maqaaladeenani si tafatiran u qaadaa dhigi doonaan arimo doora oo kala ah:-
1. Caqabadaha iyo fursadaha (Challenges & Opportunities)
1.1 Caqabadaha (Challenges)
1.1.1 Sharciga
1.1.2 Daryeel la’aanta Shaqaalaha
1.1.3 Farsamada
1.1.4 Maamulka , nidaamka Maaliyada iyo Xisaabaadka
1.1.5 In loo soo celiyo waaxyaha ka maqan ee loogu tagrifalay sida gaarka ah, si loo ilaaliyo sirta daabacaadda ee qaranku leeyahay kuwaasoo ay ka mid yihiin:-
Liisamada (Driver License)
Manaahijta waxbarashada (Educational Curriculum)
Waraaqaha Codaynta (Voters’ Cards)
2. Fursadaha (Opportunities)
2.1 in madbacada qaranku ka faaidaysato baahida daabacaadeed ee dawliga ah (Public) iyo kuwa gaarka ah (Private)
2.2 in madbacada qaranku horumariso qalabka farsamada
2.3 In madbacadu hayso diwaanka baahida daabacaadeed ee hayadaha qaranka
2.4 In madbacada qaranku samayso dib u habayn maamul (Administration Reform) sida:-
Qaab dhismeedka iyo xil qeexida masuuliyiinta
Sahaminta baahida daabacaadeed ee hayadaha qaranka
2.5 in madbacadu dajiso siyaasada shaqaalaha taasoo laf dhabar u ah horumarinta wax soosaarka iyo wax qabadka shaqaalaha tusaale ahaan waxa kamida meelaha u baahan in culayska la saaro:-
Kordhinta mushaharka shaqaalaha si uu u kordho wax soosaarka shaqaaluhu
Kor u qaadida aqoonta shaqaalaha iyadoo la siinayo tababaro farsamo iyo kuwo maamulba
Qorida xayn daabka shaqo ee Shaqaalaha si looga fogaado khilaaf ka dhasha xil qeexid la’aanta (Ambiguity)
Samaynta xeerka anshaxa si loo helo wax u noqda xakame hab dhaqanada aan fiicnayn ee curyaaminaya dhaqaalaha madbacada
2.6 In madbacadu samayso hanti dhawre gudaha ah (Internal Auditor) si loo helo nidaam maaliyadeed oo ilaaliya hantida iyo sida loo kharash garaynayaba
La Soco
w/Q;’ Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)