|

Warbaahinta Muqdisho Oo Madaxtooyada Lagula Shiray, Xilli Dhigooda Somaliland Xarumahoodii Xukuumaddu U Beddeshay Saldhigyo Ciidan

Muqdisho:Aug,19,2014(SDN/QJ)-Hormoodka Warbaahinta ka Hawlgasha Caasimadda Muqdisho iyo Nawaaxigeeda, ayaa  Habeenkii  xalay ahaa shir kula lahaa Villa Somalia Ra’isal wasaare Cabdi sheikh si loo xalliyo Xurgufta soo kala dhex gashay  iyaga iyo Xukuumadda.

ckuKulanka ayaa waxaa ku weheliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Beeraha, iyadoo lagu casuumay agaasimayaasha warbaahinta gudaha dalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana kulankan oo qaatay muddo saacado ah la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aaddan sidii ay wada shaqayn dhow u yeelan lahaayeen dowladda iyo qaybaha warbaahintu.

Wasiirka Warfaafinta Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay ujeedka Kulanka inuu yahay sidii loo xoojin lahaa xidhidhka u dhexeeya Xukuumadda iyo Warbaahinta, isla markaana wixii qaladaada ah wadajir loogu sixi lahaa.

Ra’iisal Wasaaraha oo furay kulankan ayaa madaxda hay’addaha warbaahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wadashaqeyn dhow la yeelato warbaahinta iyo sidii ay iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen labada dhinac.

“Caawa(xalay) aniga ayaa idiin yeedhay waxana ujeedku yahay inaan iska waraysano sidii aan dalka u dhisi lahayn, Codkii dadka iyo indhihii dalka ayaa tihiin waa in aad uga faa’iidysataan sidii dalkan looga saari lahaa dhibka, Waxaa naga go’an in aan lagu xadgudbin xoriyadda Saxaafadda waa naga go’an in la ixtiraamo madaxbanaanida warbaahinta, idinkana waajibaad ayaa idin saaran waa in aad qaadataan Waajibaadkiina” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

 

“Aragtida Dowladda oo cad waa in la arko Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, dimuqoraadi ah lagana xurmeeyo xuquuqda aadahana oo ku taagan tubta horumarka”. Ayuu sii raaciyey Ra’iisal Wasaaruhu.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay madax iyo howlwadeeno ka tirsan warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyaga oo soo bandhigay aragtidooda ku wajahan sida loo sii horumarin karo xidhiidhka dawladda iyo warbaahinta, iyaga oo balan qaaday inay ka shaqeynayaan wacyigelinta bulshada si loo helo amni, dib u dhis iyo horumar.

Kulankan  dhex maray Ra’isal wasaaraha iyo Madaxda Warbaahinta ka Hawlgasha Muqdisho ayaa kusoo Beegmaysa xilli warbaahinta ka hawlgasha gudaha Somaliland ay  ku Habsatay cabudhin iyo cadaadis lama filaan ahi,  iyadoo muddo sanad ku dhaw xarumo warbaahineed oo Somaliland Gudaheeda ku yaalla loo Beddelay saldhigyo ciidan.

Somaliland waxa xadhig iyo tacaddi aan loo aabo yeellin lagula kacay Saxafiyiin tiro badan, waxana dalka inay ka shaqeeyaan loo diiday wargeysyadii Hubaal iyo Haatuf oo Haatun xarumahoodu noqdeen xarumo ay deggen yihiin ciidamo dawladdu leedahay oo si gaar ah loogu masruufo.

Sidoo kale waxa ay xukuumadda Somaliland ka mamnuucday dalkeeda inuu ka Hawlgalo Telefishanka Universal oo ay ku eedaysay inuu madaxweynaha  Somaliland dacaayadeeyey, taas abuurtay colaad uu Tv-Gaasi ka qaado xadhigiisa, waxana uu bilaabay  tallaabooyin uu ku aargoosanayo oo uu ku buunbuuninnayo waxyaabaha ka dhanka ah Somaliland.

Saxaafadda Somaliland waxa ay halgan u soo galeen sidii xukuumadda Kulmiye Caynaanka mar uun u qaban lahayd, balse waxa la ogaaday inaanay helin abaalkoodii, taas Beddelkeedana ay Hoy u noqdeen Cabudhin xad-dhaaf ah.

Isku dhaca iyo colaadda dhex taalla xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Saxaafadda Madaxa Bannaan ayaa la sheegayaa inay sababteeda leeyihiin wasiirro sal-fudayd badan oo uu hormood u yahay Wasiir Cukuse oo kala irdheeyey saxaafaddii iyo xukuumaddii, kaas oo meel fog gaadhsiiyey colaadda labada dhinac, maadaama xirfaddiisu u badan tahay kaliya hanjabaad uu u diro warbaahinta iyo ciidan lagu dalbado xarumahooda.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed