Xubno Wasiiro ah oo Labadii Cisho ee u danbeeyay dhaqdhaqaaqyo ka wada Magaalada Laascaanood iyo arrimaha ay dadka u bandhigeen {DHAGAYSO}
Laascaanood 19.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa wefti ka kooban saddexda Wasiir ee kala ah Wasiiru dawlaha Nabadaynta Goboladda Barri Cali Sandulle, wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe iyo wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xarriir, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Xasan Daahir Dhinbiil.
Weftigan wasiiradda ah ee tagay Laascaanood ayaa Doraad galab gaadhay Waxayna Shalay Kulan gaar ah la qaateen Madaxda laamaha Dawlada iyo Ganacsatada Gobolka Sool.
Hase yeeshee lama oga sababta rasmiga ah ee xilligan ku soo beegtay Safarkooda, maadaama Kooxda Khaatumo maamul cusub ka dhisatay gudaha Gobolkaasi oo ay Xukuumaddu hore u balanqaaday inaanu ka dhici Karin shir lagaga soo horjeedo Madax banaanida Somaliland.
Weftiga waxa ku wehelinaya safarkooda xubno kale oo xilal ka haya Xukuumadda isla markaana ka soo jeeda Gobolkaasi, waxaana lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan qaybaha bulshada, si looga hortago in kooxda isku dooratay Saax-dheer saamayn ku yeeshaan.
Hadaba Wasiirul dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari iyo Wasiir ku Xigeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay Kulan ay la qaateen Maamulka Gobolka iyo Xubno Ganacsato ah
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO XUBNAHA WASIIRADA LAASCAANOOD KU SUGAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Laaska19.mp3″]
Laascaanood SDN/QJ
contact@qurbejoog.com