|

Haweenay Yuhuudiyad ah oo Muslintay Guursatayna Nin Carbeed oo Israa’iiliyiin Midigta Fog ahi Farxadoodii ay Mudaharaad u badaleen SAWIRO

Tel Aviv 19.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wiil carab ah iyo gabadh Yuhuudiyad  ah oo muslimtay ayaa xalay arooskoodu ka dhacay dhisme weyn oo ku yaalla caasiladda dalka Yuhuudda ee Tel Aviv.

carus_5-300x202Xafladda arooska oo ahayd mid aad loo soo agaasimay isla markaana lagu mmarti qaaday dadweyne aad u tiro badan  oo lagi qiyaasay illaa lix boqol oo ruux,ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay magaalda Tel Aviva ee caasimadda Israaiil.

Xafladan arooska oo ay dhigteen lamaanaha  Mahmoud Mansour iyo Maral Malka,ayay ka soo qayb galeen ehelada labada qoys eek u xididay iyo dad caan ka ah dalka Israaiil oo lagu marti qaaday.

carus_4-300x168Boqolaal qof oo Yahuud ah kana soo horjeeday arooskan lamaanahan is calmaday ayaa banaanbax waxa ay ka dhigeen afaafka hore ee dhismaha uu aroosku ka dhacayay oo kutaala magaalada Tel Aviv.

Ciidamada booliiska Israa’il ayaa xabsiga dhigay afar qof oo Yuhuud ah kana tirsan xisbiga midig fog kuwaasoo ku hor mudaharaadayay afaafka hore ee dhismaha uu ka dhacayay Lamaanayaasha is doortay arooskoodu.

carus_31408340670049_wps_5_Protesters_hold_signs_andarticle-2727596-209BD78500000578-375_634x4221408340628771_wps_3_Groom_Mahmoud_Mansour_26_

Tel Aviva SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed