Cabdi Weli Gaas iyo Ku Xigeenkiisa oo Weli ku Dawakhsan Waxay ka Yeelayaan Dawlada Federaalka Somalia
Garowe 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha dowadda Puntland Prof: Cabdiwali Maxmaed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa ilaa saaka waxa uu madaxtooyadda kula shirayaa Xildhibaanadii uu Baarlamaanka DF Puntland uga jiray iyo gudoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka qabyadda ah ee dalka Marwo Caasho Geelle Diiriye.
Inkastoo uu shirku wali socda hadana wararka laga helayo madaxtoyadda ayaa sheegaya inuu salka ku hayo sidii go’aan midaysan looga qaadan lahaa siyaasadda masuuliyiinta dowladda federaaliga ah ee Soomaaliya.
Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay madaxda Villa Somalia inay qiyaano ku sameeyeen dastuurka qabyadda ah ee dalka iyo in uusan soo dhaafin Muqdisho kaalmooyinka magaca Somaliya lagu soo qaado sidoo kale waxay ka arrinsanayaan heshiiska mamul u samaynta Gobaladda dhexe ee dalka taasoo Puntland ay walaac ka muujisay.
Madaxwayne Gaas oo saxafadda shir jaraa’id ugu qabtay 31.July xili habeenimo ah waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray DF,isla markasna ugu baaqay xubnaha Puntland DF uga jira inay shir wadatashi Garowe u yimaadaan.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu shirkan oo saacado badan qaatay go’aamo kasoo baxo isla markasna warbaahinta loosoo bandhigo
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com