|

Hooyooyin iyo Haween la Hubeeyay lana Sheegay inay u Halgamayaan Dhismaha Khaatumo

Laascaanood 19.Aug 2014 (SDN/QJ)- Mid ka mid Sawirro lagu faafiyay Baraha internet-ka ee u gaarka ah Taageerayaasha Maamulka la baxay Khaatumo ayaa muujinaya Haween hubaysan oo dagaal u diyaar garoobay.

KHAATUMO-300x225Tani waa astaan ka turjumaysa colaad xad dhaaf ah oo la geliyay dadka deegaamada SSC ku dhaqan oo tan iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya la kacaa kufayay kala qaybsanaan siyaasaddeed iyo dib u dhac isubarkaday dhulka ay ku noolyihiin.

Haweenkan qoryaha sita ayaa wajiyadooda laga dheehanaya inay dagaal u diyaar garoobeen, isla markaana ka mid noqdeen naf-hureyaasha ay ku adeegtaan kuwa hagaya siyaasadda aan madaxa iyo minjaha lahayn ee ka socota goboladan.

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa aakhirkii isugu biyo shubtay inuu noqdo hogaamiyaha siyaasaddeed ee Beelaha Dhulbahante, waxaanu haatan waajahaya xaalad cusub oo uu ugu sii negaado Gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Laakiinse ma cadda inuu horseedi doono marxalad degenaanshiyo iyo nabad waarta ku soo dabaasha Mandaqadan dugsanaysa deegaamada nabdoon ee Somaliland iyo puntland muddo dheer ku muransanaa dhulkaas.

Laascaanood SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed