|

Halkan Ka Daawo : Somaliland Oo Meeqaamki Ugu Hooseeyey Ku Soo Dhawaysay Danjire Nickalo key

Hargeisa 18/8/2014 (SDN/QJ)- Wakiilka Gaarka ah ee  Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland ayaa maanta soo gaadhay xarunta Somaliland ee magaalada Hargeisa ka dib martri qaad uu ka helay xukumada Madaxweyne Siilaanyo.

Danjiraha Waxaa Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweeyay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Hadal kooban oo ay qolka nasashada ee madaarka ku siiyeen labada mas,uul Warfidiyeenada ayay kaga hadleen Sida ay ugu farxsan yihiin in danjiruhu mar kale Somaliland Yimaado isagoo Nichlos Key dhankiisa uga Mahadceliyay Xukuumada Somaliland .

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya waxa uu sheegay in u jeeedada socdaalkiisa ay tahay sii Xoojinta Xidhiidhka u Dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay Gaar ahaan Xafiiska uu isagu maamulo.

Socdaalkani uu dalka ku yimid dan jire Key ayaa ka danbeeyay ka dib marti qaad uu ka helay Xukumda Somaliland tan iyo intii uu xilkani qabtayna  waa socdaalkii labaad ee uu kusoo gadho somali

iyadoo meeqamaka sanadkani ay xukuumadu ku soo dhawaysay  u ahaa mid  aad u hooseeya taasi  oo cadaynaysa inuu khilaaf  Weli  jiro marka laga Qiyaas qaato Qaabkii kal hore loogu soo dhaweeyay Caasimada Hargaysa Taas oo sababtay inuu Si deg deg ah dalka uga Baxo.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan Qurbe Jog

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed