Muhaajiriin Soomali u Badan Oo Ciidanka Badda Giriigu Gacanta Ku Dhigeen
Atens:Aug,18,2014(SDN/QJ)-Muhaajiriin Tiradoodu gaadhayso 65-qof oo u badan somali ayaa ay ciidanka ilaalada Xeebaha Dalka Giriigu gacanta ku dhigeen.
Dadkan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Turiga, isal-markaana ay beegsanayeen gelitaanka Dalka Giriiga oo isagu marin u ah dadka doonaya inay Galaan Galbeedka Yurub.
Warbaahinta dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Ilaaladda Xeebaha u gurmadeen dooni ay Muhaajiriinta la socotay oo maraysay meel ka baxsan Xeebta Degmadda Samoos iyo Jesiiradaha Agathonisi.
Gurmadka Koowaad ayaa waxaa lagu soo badbaadiyey 31-Muhaajiriin la socotay dooni maraysay meel ku dhow Deegaanka Prassos ee Degfmadda Samos.Muhaajiriinta markii ay arkeen Ilaaladda Xeebaha ayey dilaaciyeen doonidii ay ku safrayeen oo ahayd nooca caagga, waxaana lagu guuleystay in dhamaantooda la soo badbaadiyo, loona gudbiyiey Dekedda Vathi .
Gurmadka Labaad ayaa waxa lagu soo badbaadiyey 34 Muhaajiriin la socotay dooni maraysay meel dhanka W/galbeed kaga toosan Jesiiradda Agathonisi, waxaana loo gudbiyey Dekedda Agathonisi.
Dhinaca kale, Tahriib-doonayaal u kala dhashay dalalka Somalia, Syria iyo Iraq oo ku sugan magaallooyinka Izmir iyo Basame ee dalka Turkiga ayaa iyagana la sheegay inay iibsadaan Jaakadda Dabaasha, si ay dooni ugu safraan Xeebaha dalka Girigga.
Ilaaladda Xeebaha ee dalka Turkigu waxay sannadkan gacanta ku dhigeen 5,789 Muhaajiriin shisheeye ah, kuwaasi oo doonayey inay si sharci-darro ah ugu sii gudbaan xeebaha dalka Giriigga.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com