|

Madaxweyne Siilaanyo oo ku Sugan Boorama kana qaybgalay Qallin jebinta Dufcadii 13 ee Jaamacada Camuud

Boorama 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somalilad Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka ka qeybgalay dufcadii 13aad ee ka qalin-jabisay Jaamacada Camuud ee Gobolka Awdal.

000058Weftiga madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Boorame, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Maamulka heer gobol iyo mid degmaba.

Kadib waxa uu Madaxweynaha Somaliland uu u gudbay Xarunta Jaamacada Camuud oo lagu qabtay Munaasibad loo sameeyey qalin-jabinta dufcadii 13aad oo dhameyd 621 Ardey oo 4-ka mid ahi la’a yihiin laxaadka dhagaha.

Weftigan uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Amxed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)n ayaa waxa ku wehelinayey qaar ka mida Golihisa Wasiirada,Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u hambalyay ardeydii dhameysatay waxbarashada Jaamacada Camuud, kuwaas oo uu ku hambalyeeyay dedaalkii iyo u dhabar adeygii muddadii dheerayd ee ay wax baranayeen.

Waxaanu kula dar-daarmay inaanay waxbarashada halkaasi kaga hadhin, balse ay sii labanlaabaan dedaalkooda waxbarasho maanta ay u furantay furihii waxbrashada

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaa Cabdi Guuleed iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay dhamaantood ka warameen faa’iidada ay waxbarashadu leedahay

Boorama SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed