Baqaha Ebolaha Oo Sii Kordhaya Iyo Kenya Oo Joojisay Duulimaadyadii Galbeedka Afrika
Nairobi:Aug,17,2014(SDN/QJ)-Xilli uu sii xoogaysanayo Xawaaraha uu ku socdo Cudurka Ebola, ayaa waxa soo Badanaya Dalalka joojinaya Duulimaadyada ka imana Dalalka Galbeedka Afrika oo ah Meeshii cudurkani ka dillaacay.
Shirkadaha diyaaraha ee Iska joojiyey tegitaankii Galbeedka Afrika, ayaa waxa ugu dambeeyey Shirkadda Kenyan Airways oo soo saartay war ah inay joojisay duulimaadyadii ay Dalalkaas ku tegi jirtey.
Ilaa iyo haddana Kenya lagama helin kiisas cudurka Ebola ah, waxase ay maanka ku Haysaa ugu yaraan 1400-qof oo u geeriyooday Xanuunkan.
Todobaadkii la soo dhaafay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa Kenya ku dartay wadammada halista ugu jira inuu ku faafo cudurka Ebola, waxayna sabab uga dhigtay iyada oo Kenya ay tahay marin muhiim u ah duulimaadyada qaaradda.
Shirkadda ayaa sii wadaysa duulimaadyada ay ku tagto Nigeria halkaasi oo ay afar qof ugu geeriyoodeen caabuqa Ebola, balse waxa ay joojisay Tegitaankeedii Dalalka Serraleone iyo iyo Liberia.
Maalinta Arbacada ah ee Soo Socota ayey ka Bilaabmaysaa Joojinta Duulimaadyadii Kenyan Airways ku tegji jirtey Dalalkaas xanuunku ka dilaacay.
Shirkado kale oo diyaarado ayaa horeba u joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen wadamada uu cudurkasi Ebola uu saameeyay, waxaana ka mid ah shirkadahaasi British Airways
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com