|

“Cali Khaliif waxa ka muuqata nebcaansho iyo ciil aan lala Qabin, ciilkaana waa inuu naftiisa ku koobaa Oo…..”Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa:Aug,17,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka Hadlay Doorashada Madaxtinimo ee Cali Khaliif Galaydh oo sheegay inuu Noqday Madaxweynaha Khaatumo.

faysal caliGuddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay wax la aqbali karo ahayn in Cali khaliif uu qori dab leh kula dhex wareego bulshada walaalaha ee Somaliland ku wada Nool, isagoo qiray inuu xaq u leeyahay inuu Hab siyaasi isu abaabul karo si sallaanka siyaasadda u soo fuulo.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u warramayey idaacadda VOA-da, ayaa xusay inaanay Macquul ahayn in maanta uu Cali Khaliif Hunguri ka galo inuu Somaliland Gudaheeda ka  samaysto Gobol ka Madax Bannaan, “cali khaliif waa fiican yahay in la doortaa, qofku hadduu doonayo siyaasi urur inuu samaysto laakiin khaatumo inay noqoto gobol Somaliland kasoo bixi kara waa la ogyahay inaanay macquul ahayn.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxana uu intaas ku daray in dagaal uu Cali ku Baaqayaa yahay wax aan maanta la qaadan karin

“dadkayga cid naga maqnaato ma rabno waxanse u arkaa inuu doonayo hoggaamiye doonaya inuu siyaasadda ku biro, haddii uu xaq ka maqan yahay waa sax inuu raadiyo sida rag kaleba wadaan laakiin ciidan baan urursanayaa dagaaal baan qaadayaa waxanu u aragnaa inay nasiib darro tahay” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe intaas ku daray inay dawladda ka codsadeen inaan Cali Khaliif lagaga Daba tagin saax-dheer  si aanu khasaare kale u dhicin, isoo xusay inay xukuumadda uga Mahad naqayaan, waxana uu yidhi,

“dadka halkaas deggeni waa qaybsan yihiin garaadadooda waad aragtaan oo waa qaybsan yihiin, anigu  waan ka hadlay oo waanu ka joojinay inay Dawladdu kaga daba tagto sax-dheer, waana ugu Mahad naqaynaa taas.”

Waxa uu  tilmaamay Faysal Cali Waraabe inuu Cali yahay nin ay ku Gaaxatay Colaad iyo Necbaansho isaga gaar ku ah oo aanay la qabin bulshada kale, waxana uu yidhi,

“Tabashadu waa jirtaa laakiin inuu ku baaqo dagaal waa fool xumo, annagu ma oggolin in cid xoog lagu  haysto cali wax aka muuqata nebcaansho iyo ciil aan lala Qabin, ciilkaana waa inuu naftiisa ku koobaa oo aanu dadka gaadhsiin. Markii 2000-kii ra’isal wasaaraha laga dhigay ayaa loo qaldamaye”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu waajib ka saaran yahay ka jawaabista waxkasta oo qaddiyada Somaliland la xidhiidha, isagoo intaas raaciyey inuu  jawaabtan u dirayo si uu waajibkaas u guto,

“qaddiyada Somaliland qof kasta oo siyaasi ahi waa ka masuul kumana eegi karno dawladda waajib baana iga saaran. Anigu ma garanayo ninkan necbaanshahan uu wadana Dadka Reer Somaliland ee Buuhoodle iyo Saaxdheer Lama qabaan.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed