Turkiga Oo Mucaawimo Gaadhsiiyey Deegaano Ka Tirsan Somaliland Oo Uu Taariikh Hore Ku Lahaa
Saylac:Aug,17,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Turkiga ayaa mucaawimooyin kala duwan gaadhsiisay Shacabka ku dhaqan Deegaanka Gobolka Salal iyo xeebihiisa oo ah Goob uu Turkigu ku Lahaa Taariikh Soo Jireen ah.
Mucaawimaddan ayaa waxa Keentay Safaaradda Dalka Turkigu ku leeyahay Magaalada Djibouti, waxana Gaadiid Tiro badan oo Mucaawimadan ku rarani kasoo gudbeen Xuduudda dalka Djibouti oo iyadu wali iska xidhan.
Ciidanka Reer Djibouti eek u sugan xuduudda ayaa iyagu soo daayey Mucaawimaddan, waxana si Habsami ah maalintii shalay loogu qaybiyey shacab abaari Haleeshay oo degan deegaanada ku teedsan Xeebaha Saylac oo baahi weyn u qabay in la caawiyo.
Mucaawimadan ayaa Ka koobnayd Noocyada kala duwan ee Raashinka iyo Cuntooyinka Daruuriga ah, iyadoo dadkii la siiyeyna si weyn uga Mahad Celiyeen.
Dawladda Turkiga ayaa balanqaaday inay Somaliland kaalmooyin kala duwan siin doonto, iyadoo dhawr jeer oo hore soo gaadhsiisay deeqo noocan oo kale ah.
Dawladda Turkiga ayaa Xeebaha Somaliland taariikh fog ku leh, waxaana soo jiitay raadadkii hore ee Turkigu ku lahaa, kuwaas oo keenay inay xiiseeyaan inay mucaawinooyin siiyaan
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com