|

QADIYADDA SOMALILAND IYO CALI KHALIIF GALAYDH

Somaliland waa dal nabad ah isla markaana dimuqraadi ah oo leh dhamaan hay’addo dawli oo dastuuri ah iyo kuwa shacbiga ee ururada bulshadda. Waxa dalka aasaaskiisa dhaqaale yahay suuqa xorta ah, waxa kale oo seddex iyo labaatan kii sano ee u dambeeyey si toosa uga shaqeyneysey saxaafada madaxabanaan, cabirka iyo rayiga dadweynuhuna waxa uu ahaa mid xor ah. Dadka iyo dawladda Somaliland waxa mihiimad weyn ugu fadhiya ilaalinta amniga iyo xasiloonida dadka reer Somaliland meel ay joogaanba si ay u helaan nabadgelyo ay ku noolaadaan kuna ilaashadaan nolosha aasaasiga ah si ay u taabo galiyaan horumarka dalkooda.

 

Gooni isu taaga iyo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland waxay dadka reer Somaliland dhaxalsiisey ku wada noolaanshaha nabadgelyo taam ah, oo abuurtey homarka siyaasadeed iyo kan dhaqan dhaqaale ee ay somaliland ku naalooneysey mudada ay Koonfurta Somaliya gubaneysey. Beesha Caalamku waxa ay xoog dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba ku bixisey in nabad lagu soo dabaalo isla markaana dawlad loo dhan yahay laga yagleelo Somaliya. Nasiib daro se arintan waxa ay suura gali ladahay in ka badan labaatan sano, dunidduna waxa ay haatan u muuqataa in ay ka daashey in ay wax ka dhigto wixii la odhan jiray Somaliya oo ay adagtahay in dib la iskugu keeno si dawlad loogu sameeyo.

 

Wallow ay arini sidaa tahay, haddana dawladda taagta daran ee fadhigeedu yahay Magalaadda Muqdisho kama aysan daalin in ay hagardaameyso si ay wax u yeesho horumarka ku yimi isku tashiga, isku tanaasulka iyo iska raali ahaanshaha reer Somaliland. Waxaaney xooga iyo xiniinyaha dul dhigtey sidii ay u fashilin lahayd jiritaanka iyo Qaranimadda Somaliland, yada oo adeegsaneysey siyaasiyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Kuwaas oo wata dhiilo qabiil iyo isku dir dadka walaalaha ah ee meel ku wada nool oo ah kuwo aan waligood kala maarmeyn oo xigto iyo xigaal isku ah hilibkuna isugu yaal dhiiga iyo dhaqankana wadaaga. Waxase nasiib wanaaga in ay dhamaan quusteen siyaasiyiintii loo adeegsaneyey isku dirka iyo kala fogaynta dadka walaalaha ah ee reer Somaliland. Wallow aaney si toosa uga tanaasulin haddana waxay u muuqataa in ay gamcuhu ku daaleen foostadii gunta la’ayd ee ay muddada dheer dhaaminayeen.

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira siyaasi kaliya oo ilaa iyo haatan aan quusan, isla markaana aan ka daalin hagardaameynta dadka reer Somaliland ee ku nool Gobolka Sool iyo Degmadda Buuhoodle. Siyaasigan oo magaciisu yahay Cali Khaliif Galaydh, waxa uu ka soo shaqeeyey xilal kala duwana ka soo qabtey dawladdii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Waana shakhsi ku suntan khayaano iyo musuqmaasuq isagu uu afkiisa ka qirtey. Mar uu khayaanadiisa ka sheekaynayey waxa uu soo qaatey shirkii Burco ka dhacay ee lagaga dhawaaqey gooni isu taaga iyo la soo noqoshadii xoriyaddii luntey ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu Cali meel fagaare ah ka sheegay in ay khiyaano ahayd in uu yimaado shirkii Burco iyo kii Borame oo uu Madaxweyne-Xigeen isku soo taagey. Waxa kale oo uu Cali shaqsiyadiisa Musuqmaasuqa ku calaamadsan uu si toosa uga sheegay Laanta Afka Somaliga ee BBC London mar uu waraysi siinayey, oo la waydiiyey tuhunka musuqmaasuqii uu ka sameeyey Mashaariicdii Mareeray iyo warshadii sigaarka ee uu magaca awowgii u bixiyey (Galyadh). Cali oo su’aasha wariyaha ka jawaabaya waxa uu yidhi; lacagtii iyo waxii aan lunsadey marka dawlad somaliyeed la helo Ayaan ogolahay in aan dib u soo celiyo la igalana xisaabtamo.

 

Cali Khaliif oo taariikhdiisa siyaasadeed ay Somaliland ka dharagsan tahay ayaa haddana mar labaad suuro galiyey in uu khiyaameeyo dawladda Somaliland shirkii Taleex ka dhacay oo ay Somaliland dhaqaale ahaan si fiican u taageertay. Haddana mar sadexaad suura galiyey in uu tii oo kale u sheego si isagoo ula jeeda in aaney Somaliland carqaladeyn shirka tuulada Saaxdheer ee jilibkiisa hoose degan yahay oo uu isku caleemo saarayey. Waxase aanu Cali fahmin in Somaliland iyo dadkeedu ay u heelan yihiin nabadgelyo iyo daganaasho gobolka iyo deegaankaba ka aslaxa ee ay sheekadu tahay kaadi badane waa loo gogol badiyaa. Waxaaney dadka reer Somaliland mar koowaad iyo mar labaadba u gacan haadinayaan Cali Khaliif iyo kooxda yar ee uu marin habaabiyey isla markaana jaha wareeriyey, kuwaas oo ku daba socda beenta qabiilka iyo kala dilka dadka walaalaha ah ee aan manta iyo bari toona u baahneyn xumaan iyo colaad la kala dhex dhigo.

 

Waxa haddaba ay is waydiintu tahay, Cali Khaliif is caleema saarkiisu waxa uu siyaasiyan yeeli karo qadiyadda madaxbanaanida iyo nabad gelyada Somaliland. Si aan jawaab ugu helno su’aashan waxaan jecelahay in aan ka istaagno dhinacyo badan oo mihim u ah baadhis cilmiyeed oo aan ka sameeyey saameynta Cali Khaliif ee Siyaasadda Khaatumo. Waxaan arintan u kala qaadayaa laba amuurood oo kala ah; dhinacyada siyaasada caalamka iyo iibinta qadiyadda Somaliland iyo dhinaca kale ee siyaasada gudaha ee amniga iyo xasiloonada dadka walaalaha ah ee reer Somaliland.

 

 

Siyaasada Caalamka ee Somaliland iyo Khaatumo

Somaliland waxa ugu weyn ee ay adduunyadda ka iibisaa waa Nabadgelyo iyo Dimuqraadiyad. Shaki kuma jiro in Khaatumo ay waxyeelo gaadhsiineyso qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ee Arrimaha Dibadda haddii ay dawladda Somaliland ka gaabiso in ay si weyn uga hawlgasho in ay siyaasad ahaan u burburiso dhaqaale ahaana u wiiqdo maamul ka Cali Khaliif ee dhulka Somaliland lagaga dhawaaqey. Ujeedada Cali Khaliif uu ka leeyahay in uu isku caleemo saaro Maamul uu og yahay si wanaagsana uga dharegsan yahay in aanu siyaasad ahaan taabo qaadi kareyn, isla markaana dhaqaale ahaana isbixin kareyn waxa weeyi laba ujeedo oo kaliya. Tan hore waa in uu fashiliyo qadiyadda madaxbaanida iyo jirtaanka Somaliland, adduunyadana ka dhaadhiciyo isaga oo tusaya in Somaliland gudaheeda uu ka sameeyey maamul qabili ah oo la mid ah kan ka jira Hargeisa.

 

Arinta labaad waa in uu meel ka helo saaxadda siyaasadda Somaliya oo uu hadhow gorgortan ay u noqoto haddii Somaliland la citiraafo amaba uu la heshiiyo. Sidoo kale haddii midawgii Somaliyeed waa isaga iyo riyadiisa e uu soo noqdo si miisaan fiican oo siyaasiya uu ugu helo Saami Qaybsiga Waqooyi iyo Koonfur. Waxase Cali Khaliif hor yaala shaqo aad u adag oo suuro galkeedu kaliya yahay in uu taageero ka helo meel ka baxsan deegaanka uu iska cumaamadey, Arrintan waxa kaliya oo suuro gal ka dhigi kara Dawladda Somaliland oo gamcaha ka laabata yada oo ka rajo qabta in Cali Khaliif la heshiin doono marka uu waxba ka soo waayo Somaliya iyo Beesha Caalamka ee uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland lahaa way nala soo xidhiidheen oo ay noo sheegeen in aaney waxba ka soconeyn sheekada Cali Khaliif iyo maamulkiisu, oo haddii ay doonaan taageero dabaal joogteyna u fidin kara. Wallow aan filayo in ay aad u adagtahay in Puntland ogolaato maamulkiisa yada oo hadda ay jiraan duufaano siyaasadeed oo dhaawac weyn ku keeney sida Maamul u sameynta Goboladda Dhexe oo deegaano ay Puntland Isirnimo ku sheeganeysey lagaga darey yadoo Beesha Caalamkuna ka hiilisey. Arintani waxay adkeyneysaa in ay Cali Khaliif oo aad uga soo horjeeda Siyaasadda Puntland oo uu godob badan ka tirsanayo wakhtigii carta uu misana taageero ka helo Puntland, halka in ay caqabad ku noqoto ay suura galnimadeedu aad u sareyso. Sababtuna tahay sheegashada Isirka ku saleysan ee aan qadiyad kale u walihelin oo kaliya ah in saami badan kaga helaan siyaasada mustaqbalka ee dawlad dhexe oo federal ah.

 

 

 

Siyaasadda Guddaha ee Somaliland iyo Khaatumo

Ka hor inta aynaan ka jawaabin su’aasheena ah waxa ay siyaasiyan yeeli karto Somaliland arrinta Cali Khaliif ee Khaatumo. Waxaan jeclahay in aan wax yar ka iftiimiyo Maamulka Cali Khaliif uu gadhwadeenka ka yahay gaar ahaan awoodiisa siyaasadeed iyo tan dhaqaalaba. Waxaad moodaa in aanu marnaba Cali isweydiinin, sida uu u sameyn karo maamul siyaasiyan u jiri kara isla markaana isbixin kara. Cali Khaliif oo uu takhasus kiisu yahay Maamul Wanaaga iyo dajinta Siyaasadda Maamulka Dawliga ah (Good Governance and Public Policy). Ka hor Khaatumo degaanadaa waxa ka jiray Jabhad uu hogaamin jiray Xagla-Toosiye oo hadda ah Wasiir Somaliland ka tirsan. Waxa jabhadan oo Gorilla War ka wadey Somaliland ku dhuumaalaysan jirtay badi dhulka Gobolka Sool oo aaney Somaliland ka shaqeyn jirin wakhtigaa marka laga reebo Magaaladda Caasimadda ah ee Laascaanood. Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa ku guuleystey isaga oo ka faa’ideysanaya xidhiidhka wadama jaarka ah oo uu aad u wanaajiyey in si dhib yar uga takhaluso oo uu afka ciida u daro SSC aakhirkiina uu ku sunto in ay tahay Jabhad argagaxiso ah oo nabadgelyada mandaqadda halis ku ah.

 

Waa markaa marka ay Qurba joogta iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah deegaanka Koonfurta Sool iyo Buuhoodle ay dib u abaabuleen in ay qorshihii hore ee Jabhadaynta ahaa ee fashilmey ay dib uga laabtaan kuna badalaan qorshaha Khaatumo, oo uu soo jeedin teeda iyo siyaasadeedaba lahaa Cali Khaliif oo SSC aan waxba saameyn ah ku lahayn markii hore. Waxaaney go’aan ku gaadheen in ay iskood isku abaabulaan oo ay xoog kula wareegaan Sool yagoo kaashanaya Taariikhihii Jabhaddii SNM iyo USC ee riday Dawladdi Maxamed Siyaad ee kali taliska ahayd. Somaliland oo ka war heshay in ay Khaatumo tahay siyaasad ka dhan ah oo lagaga soo hor jeedo Puntland, waxay taageero balaadhan u fidisey Khaatumo oo ay u furtey Madaarka Berbera ee caalimiga ah dhaqaale ahaana gacan weyn ayey ka gaysatey si uu shirkaasi u qabsoomo. Wallow ay markii danbe isku rogtay oo ay siyaasiyiintii Khaatumo ay Xamar u yaaceen yagoo ku xisaabtamaya dawladda rasmiga ah ee caalamku ku baaqey in ay ka hirgasho Muqdisho. Dhanka kalana ay isku diyaariyaan si ay caqabad ugu noqon lahaayeen wadahadalada Somaliland iyo Somaliya oo ay Beesha Caalamku kaga dhawaaqdey Shirkii London ee Somalida.

 

Arrinta waxa si wada jir ah u fashiliyey Madaxweyne Siilaanyo oo Xagla-Toosiye kula kulmey Magaaladda Dubai, isagoo indha caalamka tusey in SSC iyo Somaliland heshiiyeen, qoladii Khaatumo na ay siyaasadda xamar marka hore ay mansab kaga raadsanayeen. Talaabadii ay Khaatumo arrintan kaga jawaabtey waxa ay ahayd weerarkii balaadhnaa ee aadka u abaabulnaa ee ay soo qaadey, kaas oo si aad u ba’an ay ugu jabeen ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Markii danbana sabab u noqday in ay si dhib yar uga soo waaqsan waayaan khasaarihii ka dhashey oo ahaa mid aad u balaadhan oo u quus gooyey in ay mardanbe si fool ka fool ah dagaal ula galaan Ciidanka Qaranka Somaliland. Khaatumadaa aan ka hadleynaa waxay ahayd mid ay ku dhan yihiin dhamaan Isimadda, Ganacsatada, Qurbe-Jooga, badi Siyaasiyiinta iyo Cuqaasha reer Sool iyo Buuhoodle.

 

Khaatumada maanta Cali Khaliif loo Cumaamadey ama uu isku Cumaamadey waxa ay kaliya ku egtahay jufadiisa hoose ee (Bahararsame) oo uu Garaadkeedii iyo tuuladeediiba gacanta ku hayo. Tusaale ahaan Khaatumo Taleex waxa ka soo qayb galey 13 Isim iyo 86 Caaqil, G11, Ganacsatada Beesha Dhulbahante, Qurba-Joob ka badan 1000 qof. Halka uu Khaatumo Saaxdheer ay ka qayb galeen kaliya Hal Isim oo ah Isimka jufada Cali Khaliif, 3 Caaqil oo laba ka mid ahi yihiin kuwa reerkiisa, G1 oo ah kalidii halka ay 10 kii kale ee siyaasadda Khaatumo la hogaamin jiray ay ka maqan yihiin, Qurba joogu waa isaga iyo Gabadh kale oo ay raas dhaw yihiin, goobtuna waa Saaxdheer oo ah tuulo yar oo xadka itoobiya maro. Waxa uu Cali ku dhawaaqey in uu iska casilayo xilka Xildhibaanimo ee Maamulka Muqdisho, taas oo ka dhigaysa in aanu haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan doonin isagoo markii horeba dayro iyo dibad wareeg ka ahaa Maamulka Xasan Sheekh. Isku soo wada duuboo saameynta dhinaca guddaha uu ku yeeshaa aad bay u yaraaneysaa, haddii ay dawladda Somaliland ka hawl gashana waxa ay Cali siyaasadiisa ka dhigi doontaa mid dibad wareega oo aad u taag daran.

 

 

Waxaan ku soo gabagabeynayaa in ay dawladda Somaliland culays weyn oo siyaasadeed ay saarto arrintan Cali Khaliif oo ah mid aad u liidata isla markaan luga diciif ah ku taagan. Somaliland waa in ay aad u nooleysaa oo ay dardar galisaa siyaasad abuuraysa kalsoonida xoogan ee Somaliland iyo Ethiopia. Maadaama oo labada dal ay wax badan iskaga xidhan yihiin Ethiopia waxay u aragtaa Somaliland in aaney sinaba uga maarmayn dhinaca aminiga iyo dhaqaalahaba. Dekada Berbera waa bikaaca isha mustaqbal ee dhaqaalaha Ethiopia, Somaliland waxa laga rabaa inay si fiican u fahamto arintan ugana faa’ideyso siyaasada qadiyada Somaliland, Saaxdheer oo ah xad Somaliland iyo Ethiopia u dhaxeeya in cadawga Somaliland uu ka soo galo kana baxo waxa diidi kara kali in dawladu xidhiidh fiican oo dhinaca aminiga ah la sameyso dalka aynu jaarka nahay wax badana aynu ku baxsaney ee Ethiopia.

 

Khaatumo Saaxdheer waxa kaliya ay ku dhisan tahay waa caadifad, siyaasad iyo dhaqaale ahaan isma taagi karto. Cali Khaliif wuu og yahay in maamul dhaqaale u baahan si uu u shaqeeyo aaney saamixi kareyn bay’adda uu Maamulka Khaatumo ka dhisan yahay. Waxa uu dhisay maamul ka kooban Madaxweyne iyo ku Xigeen, Gole Wasaaradeed iyo mid Baarlamaan, Ciidan uu ilaaliya amniga isla markaana uu doonayo in ay u xoreeyaan dhul baaxadiisu ay aad u weyn tahay. Waxa intaa u dheer dhismaha haykalka dawladnimo oo degmo iyo tuulo walba laga hirgaliyo.

 

 

Arrintan Cali Khaliif waxa uu doonayaa in uu ku suuro galiyo iyada oo aanu deegaanku lahayn dhaqaale ku filan oo uu iskii isku dabari karo. Deegaankani ma laha hal kaabe oo dhaqaale sida Deked ama Madaar, waxase uu Cali Khaliif Caqligiisu u sheegay in Qurbe-Jooga reer Sool iyo Buuhoodle ee uu hore candhablaha u jaray mar labaad uu faraqa islaamaha hagbadaha ku jira iyo xoogsatada kale ee Warehouse ka ku jirta uu baadhan doono isagoo isticmaalaya tolaayeey waa la ina haystaa. Lacagihii hore ee uu ka uruuriyey Qurbaha waxa uu ku galey doorashadii Baarlamaanka oo uu ku guuldareystey isagoo tusay dadka reer Sool iyo Buuhoodle in ay siyaasiyan Somaliland wax yeeli karaan haddii ay ku soo baxaan Kursigan. Waase uu ilowsanaa in hore isaga oo Raysal Wasaare ah Somaliland oo intan ka jilicsan uu wax yeeli kari waayey kuwa hadda jooga Xamarna ay isku day kasta oo ay sameeyaan uu fashilmayo sababtuna tahay isku tashiga iyo go’aanka masiiriga ah ee reer Somaliland ay gaadheen. Si kastaba ha ahaatee dawladda Somaliland waxa la gudboon in ay arrintan sida ugu dhakhsaha badan uga hawl gasho si ay si dhib yar uga guuleysato mid ka mid ah ragga ku saaqidey siyaasadda somalilda oo maanta dhiig iyo colaad mansab ku raadinaya.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Mohamed Hagi Mohamoud a Political Scientist and a Social Researcher, and an author of Academic Articles in East Africa. Department of Political Science. The University of Warwick. Email: mohamedomar1@hotmail.com or M.Hagi-Mohamoud@warwick.ac.uk.

 

 

 

Comments are closed