“Ninbaa been sheegay, kadibna Aduunka dagaal geliyay Qiso Cajiib ah,Ciraaqi hore u sheegay in Sadaam Xuseen Haysto Nuclear Muxuu Sidaa u Yidhi DAAWO?
Parlini 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Curveball ama Rafid Ahmed Alwan Al-Janabi waa nin Ciraaqi ah 1999 ayuu Jarmalka iska dhiibay, sida dhacdo badanaa, dacwadiisii uu ku doonaayay Magangalyada ayuu ka been sheegay, been aad u weyn oo ah in uu yahay Injineer, kana soo shaqeeyay Sadaam Xuseen meesha uu Hubka Halista ah ee Nuclear-ka ku abuuro, waxyaabo badana uu soo arkay sidaasna uu oga soo cararay.
Arinkaas wuxuu xiiso geliyay Sirdoonka Jarmalka, isla markiiba Kaamka waa laga saaray Guri ayay dejiyeen, mar walbana way wareesan jireen, waxay u bixiyeen magaca Curveball si aanan loo aqoonsan, wax walba ay ka qoraana Sirdoonka Mareekanka ayay la wadaagi jireen.
Ilaa markii danbe G. Bush iyo Colin Powell ay dadka ka hor sheegeen in Ciraaq hub qatar ah heysato oo ay tahay in lala dagaalo, hadaladoodana waxaa ka mid ah, hadalo qaar oo been ah oo ninkan laga qoray, sidoo kale waxay rabeen marqaati ahaan ninkaan in ay aduunka ka soo hor muujiyaan si uu aduunkana ugu sheego waxa uu ogyahay, sirdoonka Jarmalka ayaa ka diiday, oo Xili danbe ka fahmay ninka in uu Been sheegay, waayo ninka ayaa shaki geliyay hadal walbuu yidhaana ka laabanayaay, in la raadsanaayana iska dhigay.
Khubaro Qaramada Midoobay ka socday ayaa Ciraaq loo diray si ay u soo baadhaan meesha hubka lagu sheegay waxba ma aysan ku soo arkin, Mareekanka Ciraaq ayuu weeraray Hubkii la sheegaayayne waa la waayay, Malaayiin ayaa meesha ku dhimatay, … waqtigaas ninkaan wariyaasha in uu la hadlo dhan waa loo diiday, wuuna dhuuman jiray, marwalbana meel ayuu degi jiray, lacag 3 kun Euro ayuu bishii sirdoonka jarmalka ugu shaqeyn jiray, Xaqiiqdii ninka nin caadi ah oo nolol doon ah ayuu ahaa, dhalasho Jarmal ayuu qaatay, kadibna Mar ay Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen ayuu TV-yada la hadlay, wajigiisa iyo magaciisana banaanka keenay.
Daawo video-gaan Dokumentariga ah ee ninkaan laga sameeyay:
ama Daawo wareysi BBC ay la yeelatay ninkaan:
Ma la Odhan karaa Waa Been qof bini aadam ah sheego, iskuna dhiibo waa beentii ugu weyneed.
Qurbejoog.com