Suldaanka Guud ee Beesha Arab oo Luqad aan looga baran kula hadlay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Boosaha DAAWO
Hargaysa 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa ku baaqay in Ciidamada ay xukuumadu geysay deegaanka Bali-Diiriye Guuleed ay ka saarto,isla markaana laga shaqeeyo umadda nabadgelyadeeda.
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa.
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu yidhi “Xukuumaduhu waxay sharaf, haybad iyo karaamaba ku yeeshaan,markay tix-geliyaan qoraalada ay xukuumadaha ka horeeyay ay sameeyaan, xukuumadihii ka horeeyey xukuumaddan imika meesha joogta, halkaa (Bali-Diiriye Guuleed) dhowr goor oo ay wax ka dhaceen waa lagu wada hadlay, qoraalo ayaa laga soo saaray deegaanimadeeda,qoraalada laga soo saaray magac dawladeedna way ku socdeen haybadii dawladnimana way wateen”.
Mar uu Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ka hadlayey hab-dhaqanka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi“Masuuliyiintan imika ku fadhida xukunka,qoraalo ay iyagu sameeyeen kuma fadhiyaan, ee waxay ku fadhiyaan, qoraalada dawlada Hoose sameeyeen, ama dawladaha ka horeeyay.Haday dhacday inay tix-gelin waayeen qoraalada ka horeeyay waxay u muuqanaysa inay iyaguna sifo xaaraana ku fadhiyaan marka la eego caalamka.”
“Arrintaasi waa arrin aad iyo aad u fool xun, dhacdada laga sameeyey meesha (Bali-Diiriye Guuleed) waa dhacdo aad u fool xun,manaaha in dhacdo kasta la yidhaahdo dawladii way khaldantay oo dib loogu noqdo, ee marka hore ayaa fiican in laga fiirsado.Dadkan ciidanka la gelinayaana maaha dad xaq u leh in ciidan la geliyo, waa dad degen dhulkoodii,kolayna xoog lagagama rari karo, ninkasta oo u tagaa isaga iskaga tagaya,waxa muhiima in nabadda dalka la ilaaliyo, laakin looma jeedo”.Ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Annaga reer ahaan (ARAB) waxaad mooda in barnaamij kale looga dan leeyahay ficiladan foosha xun ee mar-walba la sameynayo,doorashooyinkii ayaan dib u xasuustaa oo lagu sameeyey wax bini’aadanimada ka baxsan, inkasta oo aan la gaadhin u-jeedooyinkii laga lahaa, waxa ku xigtay doorashooyinkii deegaanka Hargeysa. Waxa taa ku xigtay iyada oo laga hadlayo Biyaha Magaalada Hargeysa ayaa waxa si toosa la noogu yidhi qorshihii biyo-gelinta Magaalada Waaxda Axmed-Dhagax kuma jirto”
“Madaxweyne Siilaanyana waxaanu leenahay,hadaad diido sharcigii ka horeeyay adiguna sharci kuma fadhidid, reerkiina ayaad meesha u fadhidaaye hadaad dhul u doonayso,dagaalka soo gal halkan ha ka talinine.”Ayuu yidhi Suldaanku.
“Umadda Somaliland-na waxaanu u sheegaynaa,marwalba annagu nabadda diyaar ayaanu u nahay, laakin quja-qujeynta ayaa nagu baddan,waxa la naga doonayaana waxa weeyaan in na loo bisleeyo Somaliland oo la doonayo in dib loogu celiyo Soomaaliya, inaanu annagu nidhaahno Somaliland waanu ka noqonay, inta qof naga nool-yahayna ka noqon mayno”
Suldaan Cumar waxa uu ku taliyey in deegaanka Bali-Diiriye Guuleed sidiisi hore loo daayo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa qolada Ciidanka ah ee meesha la geliyay ee la adeegsaday,Wasiiradan sidii babqaaga u qeyliyay ee yidhi waxaanu jeedinaynaa go’aan ninkii Wasiirka ahaa ee meesha ka hadlayey (Maxamed Abgaal) waxay ahayd inuu reerkooda arrinkiisa ka taliyo, waxa hadaladiisi ka mid ahayd dhulka waa la wada leeyahay, haddii dhulka la wada leeyaha qaxoontiga CIISAHA maxaa dhulka loogu diiday? u sheeg reerkiina taa.Waxaan leeyahay arrinkaa dib ha looga noqdo, deegaankaana (Bali-Diiriye Guuleed) sidiisa ha loo daayo,haddii taa la diido ta la doonayo ayaanu idin la qaadan doona.Nin waliba waxa uu ka maalo waa la arki doona, wanaag iyo nabad ayaanu doonaynaa,”Ayuu Yidhi.
Suldaanka Guud ee Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldan Faarax ayaa waxa uu ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ciidamada ka qaado Deegaanka Bali-Diiriye Guuleed, waxaanu yidhi “Waa in arrintaasi laga noqdaa, dadka deegaankooda faraha looga qaado, Ciidamadaa meesha la geeyayna laga qaado.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Haddii la doonayo Somaliland dadka quja-qujeynta ha laga daayo,xili laguugu kordhinmaayo Cabdalle Arab dagaalkiisa iyo Ciidaan la dul-geeyo. Nin-waliba maalintiisu markay u dhamaato (Madaxweynanimada) uu ka soo baxayaa, Daahir Rayaale ayaad ku odhan Jirtay budh ayaan kaga soo saaraynaa,adiga(Madaxweyne Siilaanyo) wax kale ayaa lagaaga soo saari, hadaad cagaha dhigan-weydo,Waxaan ku soo jeedinayaa masuuliyad ayaa lagu dhiibay, dad iyo dal ayaa lagugu aaminay, sidii laguugu aaminay u dhiib,”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com