Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo Xukun dil ah ku riday Askari Gacan ku dhiigle ah oo dilay Marxuun Rayid ah
Hargaysa 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee JSL ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari gacan ku dhiigle ah oo hore u dilay qof rayid ah.
Go’aanka Xukunka Maxakamadda oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey Shabakada Qurbejoog.com uuna ku saxiixan yahay garsooraha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Maxamed xasan Faarax ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
“Maxkamada Sare ee Ciidanku Waxay ku Xukuntay Racfaanle Gacan ku dhiigle Cali Dacar Ibraahin oo ka tirsanaa naafada Ciidanka Qaranka Dil Toogasho ah kaas oo dilay 18.05.2014 Marxuun Shicib ah oo la odhan jiray C.risaaq Xaamud Axmed”.
Maxkamada ayaa Xukunkeeda u Cuskatay qodobada 434XCG, Qodobka 195 ee Xeerla Ciqaabta Ciidanka.
Hargaysa SDN/QJ