|

Mac-hadka Faafinta Islaamka oo kulan-diimeed u qabtay qaar ka mid ah dhalinyarada Hargeysa.

Hargeysa,17,August 2014,(SDN/QJ)- Mac-hadka Faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland ayaa kulan-diimeed u qabtay in ka badan 150 dhalinyada reer Hargeysa.
Kulankaas oo lagu qabtay hotel Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa.

10622727_822680057756192_937607462309884257_nKulankan ayaa dhaliyarada lagaga wacyi geliyay arimaha ka soo horjeeda diinteena suuban ee ay ka mid yihiin tahriibta, Waalid caasiga, isqarxinta iyo akhlaaq xumada ka soo horjeeda diinta, waxana kulankaas ka soo qayb galay, Guddoomiyaha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Wakiilka Mac-adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Hawd Sheekh Cumar Jamac Ducaale, Wakiilka Mac-adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi jeex Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali, culimo iyo dhalinyarada muxaadirooyinka diiniga ah loo jeedinayay.
10383635_822680141089517_3592733284969264914_nUgu horayn waxaa kulan-diimeedkaas ka hadlay Wakiilka Mac-adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Hawd Sheekh Cumar Jamac Ducaale, waxaanu faahfaahin ka bixiyay kaalinta uu bulshada kagaga jiro Mac-hadkani, taas oo uu sheegay in Mac-adku qaybaha kala duwan ee bulshada uu ka wacyi geliyo wixii diinteena suuban ka soo horjeeda “Mac-adka Faafinta Islaamku waa Mac-had diini ah oo ka shaqeeya arimaha diinta, waxaanu umada ka wacyi geliyaa wixii akhlaaqda suban ee diinteenu inoo jeexday ka soo horjeeda, waana mid waano inoogu filan taasi.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cumar Jamac.
10568793_822679851089546_1492035013646776206_nSidoo kale waxaa halkaas Muxaadiro diini ah ka soo jeediyay Wakiilka Mac-adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi jeex Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali, waxaanu sheekhu dhaliyarada u jeediyay muxaadiro dheer oo dhicayo badan taabanaysa, isaga oo dhaliyarda kulankaas ka soo qayb gashay ugu baaqay inay diinta Islaamka xoojiyaan “kuligeen waa inoo farxad inaynu kulan-diimeedkan ka soo qayb galno oo aynu soo ajiibno halkan khayrka la iskugu sheegaayo ee xumaanta la iskaga reebaayo waana mid lagu farxo idinka oo ah dhalinyrada mustaqbalka. Markaas waxaan idinku boorinayaa inaad xadhiga ilahay qabsataan oo aad salaada, sadaqada iyo wixii ilahay ina faray aad oogtaan oo aad diinta barashadeeda xooga saartaan.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Xasan Qorane.
Waxaa kaloo kulankaas muxaadiro diini ah ka soo jeediyay Sheekh Maxamed Cawil Cismaan oo si faahfaahsan uga waramay baaxada diinta islaamka, taa oo sheekhu sheegay in qofka muslinka ah looga baahan yahay inuu diinta iyo wanaaga ka faa’idaysto inta uu nool yahay ee uu caafimaad qabo, sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marka mowdku qofka u yimaado ay tahay dhamaadka noloshiisa, taas oo wixii uu ifka ku sii shakhaystay uu aakhiro la taki doono, taasina waxa ay u baahan tahay dadaal ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekh Cabdikariim Cabdi Ibraahim oo isaguna halkaas muxaadiro diini ah ka jeediyay ayaa dhaliyarada ugu baaqay inay diinta si sax ah u bartaan oo ay ogaadaan qofkii diinta ilahay oogaa uu ifka iyo aakhiraba liibaanaayo, taas oo sheekhu uu ku dheeraaday baaxada diinta islaamka iyo dadaalka ay u baahan tahay in lala yimaado.
Gebo-gabada kulan-diimeedkaas waxaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo dhaliyarada uga mahad naqay sida ay u dhagaysteen muxaadirooyinkaas diini ah ee loo jeediyay, waxaanu Guddoomiyuhu dhalinyarada u soo jeediyay dar-daaran dhinacyo badan taabanaya isaga oo hogo tusaaleeyay barashada diinta islaamu dadaalka ay u baahan tahay, waxanu Sheekh Mooge kulanka sharaxay qof walba wixii markuu ifka joogay u camal ahaa inuu aakhiro la tagaayo.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed