Xukuumada Somalia oo soo dhawaysay Hawlgalada Hub ka dhigista ee Muqdisho ka Socda
Muqdisho 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay howlgallada hub-ka-dhigista ah ee ka socda qeybo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
War-murtiyeed laga soo saaray shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu soo dhoweeyay howlgallada ammaanka ee ka socda caasimadda.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee dadweynaha iyo dalka, isla markaana aan lagu bar-tilmaameedsanayn cid gaar ah.
Dowladda ayaa sheegtay inay sii socon doonaan howlgallada, waxayna ku ammaantay hay’adaha amniga qaranka sida ay u fuliyeen howlgallada.
Dowladda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in la mamnuucay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo haysasha hubka aan ruqsadda lagu haysan.
Madaxweynaa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka golaha wasiirrada.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com