Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Guddoomiyihii Gobolka Shabeeladda Dhexe Xilkii Ka Qaaday Mid Cusubna U Magacaabay
Muqdisho:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa Digreeto xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jinow Calasow.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa ay u qornayd sidatan:
“Markii uu arkay Madaxweynaha Soomaaliya Qodobada kala ah, 87-aad, 90-aad iyo 99-aad ee Dastuurka Dalka, markuu arkay Sharcigii soo baxay Agoosto 2013-dii, Markuu arkay in ay dhamaatay Mudadii KMG aheyd ee Gudoomiyaha, waxaa uu Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha dhexe Cabdi Jiinow”
Waxaa sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe loo Magacaabay Cali C/laahi Xuseen oo loo yaqaano Cali Guud-laawe.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya qeybta Warfaafinta oo lagu Magacaabo Shadoor Xaaji Shadoor ayaa wareegtada u akhriyey Warbaahinta kala duwan.
SDN/QJ