Baadhitaan ku Socda Mulkiilaha Idaacada Shabeele
Muqdisho 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inay baaritaanno ku socdaan milkiilaha idaacadaha Shabeelle iyo Sky FM ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Yuusuf ayaa xusay in sidoo kale la baarayo qaar ka tirsan shaqaalaha idaacadahaas oo iyaguna lala xiray milkiilaha.
Howlgal ay sameeyeen ciidanka nabad-sugidda ayaa shalay lagu xiray labada idaacadood, milkiilaha iyo qaar ka tirsan shaqaalaha.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaas loo soo taagi doono maxkamad.
Idaacadaha ayaa lagu eedeeyay inay faafiyeen warar wax u dhimaya amniga qaranka.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com