Muxuu Wasiir Xirsi Ka Yidhi Doorashada Cali Khaliif?
Hargeysa:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Wasiir xirsi ayaa kamid noqday Siyaasiyiinta ka tirsan xukuumadda Kulmiye ee sida is daba joogga ah uga Hadlay Doorashada Xildhibaan Cali Khaliif ee Maamulka Khaatumo, waxana uu sheegay inaanay mudnayn arrintaasi mid somaliland baqdin gelisa.
Wasiir Xirsi oo ka Hadlayey Soo Dhaweyntii Qurbejoogta Somaliland, ayaa sheegay inay Somaliland tahay dal jiritaankiisu ku yimi Afti dadweyne oo aanay jirin cid faquuqi karta ama wax ka beddeli kartaa.
Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in aanay masiirka dalkan mijo xaabin Karin koox uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalinba meel ayey joogtay oo shalay helitaanka qarankeenu wuxuu u baahnaa qori maantana xaqiijinta himilada qarankeenu wuxuu u baahan yahay qalin, way ka soo baxeen dadkii shalay qoriga qaatay idinkana ka qurbojoog ahaan waxaan idiin rajaynayaa in aad kaalintiina ka soo baxdaan oo aad dhamaan noqotaan safiiro heegan u ah himilada qaranka iyo taabogelinta qadiyada dalkeena. Qadiyada dalkeena Somaliland waa mid ku dhisan afti shacab iyo rabitaan ummadeed oo aanay waxba ka badali Karin koox iyo tiro yar oo uu abaan-duule u yahay Cali Khaliif iyo kuwo lamida oo marin habaabinaysa masiirka dadkeena Somaliland Waxaan odhan lahaa “Cali Khaliif” shalayna waxba dadkan umaad qaban maantana horumar iyo nabad midna uma soo wadid ee ka waantoow kolba ceelka colaada ee aad dadkan iyo dalkan galinaysid.” Ayuu yidhi wasiir Xirsi.
Arrinta Doorashada Cali Khaliif waxa hore uga Hadlay Masuuliyiin badan oo qaarkood kasoo jeedaan Gobolada Bariga Somaliland, waxana ay dhammaantood ka sinnaayeen dhaliisha maamulka Halkaas lagaga dhawaaqay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com