“Waanu Soo degnay Hargeysa Hantida iyo Dhaqaalaha ugu badana anagaaba leh Markaa…..” Boqor Buur Madow
Hargeysa:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Boqor CismaanAw Maxamud Buurmadow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Somaliland, kana soo jeeda Bariga Burco, ayaa Markii ugu horraysay Sheegay in Beeshiisu Leedahay Hantida iyo Dhaqaalaha ugu Badan ee Hargeysa Yaalla.
Boqor Cismaan Buurmadow oo Ka Hadlay Madal la isku arkay oo Meher ahayd kana dhacday Magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay inay Soo Guurto tahay Beeshiisu, balse haatan ay noqdeen Dad looga Dambeeyo Magaalada oo Hanti iyo Xoolo badan ku Yeeshay.
Boqor Cismaan Buur Madow waxa uu farriin u diray Dadka Beeshiisa ku sheega Soo guurto dhawaan caasimadda timi, isagoo uga digay in dadkaasi ka waantoobaan isticmaalka erayada Noocaas oo kale ah,
“Markaan Maqlo Qoladaa Burco ka timi Waxaan soo Xasuustaa Beesha Habar Gidir oo Waagii Muqdisho la joogey lagu odhan jirey Qoladaas Gobolada dhexe ka timit. Markaa danbena waxay sii raacin jireen qoladii Magaalada kal hore kusoo guurtey baa Dagaal ka ridey Caasiamdii iyo yaa inaga qabta, Waxaan idiin sheegayaa inaad kelmadahaas iyo dacaayadaas joojisaan hadaydaan doonayn in Magaalada Hargeysa Dagaal ka dhaco” ayuu yidhi Boqor Buur Madow.
Boqorka ayaa qirtay inay soo-guurto tahay Beeshiisu, balse haatan ay noqdeen Hantiilayaal Hargeysa Jeex Yeeshay oo aan cidi ka xigin, waxana uu yidhi,
“Sidii Habar Gidir ayaanu soo guurney oo waanu degnay Hargeysa Hantida iyo Dhaqaalaha ugu badana anagaaba leh Markaa Mardanbe yaanan Kelmadahaas Maqlin.”
Hadalkan kasoo yeedhay Boqor Cismaan ayaa ahaa mid kaftan ah, balse dadkii Goobta fadhiyey iyo kuwii kale ee Maqlay ayaa u qaatay farriin cad oo boqorka laabtiisa kasoo go’day, waxana hadalkan noqday mid qabsday madashii la fadhiyey oo in muddo ah Dadku ku celcelinayeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com