Halkan Ka Akhri Fashilka Ammaanka Kenya Oo Keenay In Madaxii Sirdoonka Dalkaasi Shaqadii Iska Casilo
Nairobi:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Sarkaalkii ugu sarreeyey Sirdoonka Kenya ayaa lagu dhawaaqay inuu Ka Tegay shaqadii uu ka Hayey ciidanka Sirdoonka Dalkaasi.
Afhayeenka madaxtooyadda Kenya ayaa sheegay inuu is casilay madaxii hay’adda sirdoonka dalka Kenya kadib markii uu ku guul daraystay inuu xog badan ka helo weerarada Al-Shabab ka geystaan dalka Kenya oo in muddo ahba soo kordhayey.
Afhayeenka M/weynaha Kenya Manoah Esipisu ayaa ka sheegay Tv,ga dawlada in Mijor Jen Michael Gichangi, oo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka Kenya uu shaqada ka tagay kadib markii uu dhawr jeer la kulmay cambaareyn kaga imanaysay madaxda sare ee dawlada taasoo aheyd inuu xakameyn waayay weerarada Al-Shabab dalka Kenya ku qaadaan oo galaaftay nolosha dad badan oo Kenyan ah.
“Waxaan idiin cadaynayaa in Jen Michael Gichangi, uu shaqada ka tagay kadib culaysyo uu la kulmay laakiin M/weynaha ayaa weydiistay inuu xilka sii hayo illaa la magacaabayo qofkii badali lahaa” ayuu yidhi afhayeenka M/weynaha Kenya oo Tv,ga dawlada ka hadlay.
Afhayeenku waxaa uu sidoo kale xusay inay jirto isku shaandheyn lagu sameeyay mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka gobolada dalka qaarkood.
Sargaalkan iska casilay oo xilkan loo magacaabay sanadkii 2006 ayaa dhaliisha ugu badan waxaa uu la kulmay markii ay Al-Shabab weerareen suuqa Westgate ee Nairobi sanadkii hore iyo sanadkan markii la weeraray magaalooyin Lamu ku yaala oo ay ku dileen in ka badan 50.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com