Khubaro Cudurka Ebola Soo Indha-indheeya Oo Kenya u Dirtay Dalalka Galbeedka Afrika
Nairobi:Aug,16,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Kenya Koox Khubaro caafimaad ah u diraysa Dalalka Galbeedka Afrika ee uu ka Dillaacay Cudurka Ebola.
Kooxdani ayaa booqan doonta magaalooyiinka Monrovia iyo Free Town, halakasi oo qiimayn ay ka so samayn doonaan .
Kooxdan ayaa waxa ak mid ah laba dhakhtar oo qiimayn doona qaabka loola tacaalo cudurka ebola ka dibna dowlada Kenya kula talin doona talaabooyiinka la qaadayo si cudurka looga hortago .
Dhawaan ayay ahayd markii hay’ada caafimaadka aduunak ee WHO ayaa ka digtay in dalkani Kenya uu khatar ugu jiro in cudurkaasi Ebola uu soo gaadho .
Dhanka kale shirkada diyaaradaha ee Kenya airways ayaa wali sii wada duulimaadyadii ay ku tagaysay dalalka uu cudurkani ka dilaacay ee galbeedka africa .
Dad kor u dhaafaya 1000 qof ayuu cudurka Ebola ku dilay dalalka galbeedka africa waxa uuna cudurka ku faafay dalalka galbeedka Africa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com