Somalia:Wasiirkii hore ee Caafimaadka Oo La Eryey iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay
Muqdisho:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh, ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasirkii hore ee Caafimaadka Somalia, isla-markaana cid cusub magacaabay.
General Axmed Maxamed Maxamuud oo hore u ahaa Wasiirka Caafimaadka Somalia, ayaa xilkiisii waayey, halka xilkiisii loo dhiibay Cali Maxamuud oo loo yaqaano (cali-xareed).
Wasiirka Cusub Wasaaradda Caafimaadka Cali Xareed ayaa hore xilal ugu soo qabtay dowladihii Kumeel gaadhka ahaa isagoo xilal kasoo qabtay wasaaradaha Gaashandhigga, Dalxiiska iyo Duur joogta. Sidoo kale wuxuu hore u soo noqday Xildhibaan ka tirsan dowladda Somalia.
Si kastaba ha ahaatee lama oga sababta keentay in xilka laga qaado wasiirkii hore Caafimaadka dalka Somalia Gen. Axmed Maxamed Maxamuud.
SDN/QJ
Contact@somaliasporanews.com