Daruuro Colaadeed Oo Markale Dib Uga Curtay Deegaanka Kalshaale iyo Isku dhac Dhimasho Keenay Oo Beelaha Halkaas dhex maray
Qorilugud:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegaya in Labadii Beelood ee Halkaas isku dili jirey ay mar kale isku dhaceen, isla-markaana ay dhacday dhimasho Hal qof ahi.
Sida uu sheegayo warka Qurbejoog.com haysaa, waxa shalay gelinkii hore isku dagaal koobani dhex maray laba maleeshiyo oo beelahaas kasoo kala jeedda Deegaanka Kalshaale, iyadoo Halkaas uuu ku dhintay Marxuum kasoo jeeday Beesha Deegaanka Buuhoodle, halka dhaawac fududi soo gaadhay nin kale oo Beesha Qorilugud ah.
Allaha naxariistee marxuumka Dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Siciid Kaare Saleebaan, waxana Meydkiisa loo qaaday Dhinaca Deegaanka Buuhoodle oo lagu aasay.
Dhimashadaas kadib waxa Halkaas ka bilaabmay isu hub urursi iyo gurmad xooggan, waxana labada dhinacba ay deeganadaas Geeyeen Ciidamo hubaysan, waxana laga Cabsi qabaa inuu dhexdooda ka qarxo dagaal khasaare badan keeni karaa.
Ciidanka qaranka ayaa iyagu deggen meel aan sidaas uga Fogayn halka dagaalku ka dhacay, walise sida la sheegayo ma ay qaadin wax tallaabo ah oo ay kaga hor tegayaan colaaddan soo cusboonaatay.
Dhinacyadan is haya ayaa sanadihii ugu dambeeyey isku laynayey deegaankaas, waxana ay halkaas iskaga dileen rag tiro badan, Halka qaar kalena ay iska naafeeyeen, balse xukuumadda madaxweyne Siilaanyo wali xal waara kama ay gaadhin dhibaatan soo noqnoqotay.
SDN/QJ
Contact@somaliasporanews.com