|

Midowga Yurub Oo Ku Dhawaaqay War Ka Dhan ah Dooddii Wasiir Samsam, Ceebo Ku Duugan Manhajka Waxbarashada Somaliland-na Bannaanka Keenay

Hargeysa:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Sarkaalka Midogw Yurub u qaabilsan Dhinaca Waxbarashada Somalia Maxamed Faduul,  ayaa shaaca ka qaaday inay wasaaradda Waxbarashada Somaliland kala shaqaynayaan sidii dib u eegis loogu samayn lahaa Manhajka waxbarashada Aasaasiga ee dalka.

faduulSarkaalkan oo shalay ka Hadlay Madasha Carwada Buugaagta lagu soo bandhigayey ayaa sheegay inay shaqadoodu tahay inay Gebi ahaanba wixii Somalia la isku odhan jirey kala howlgelayaan sidii manhajkooda wax looga Beddeli lahaa, isla-markaana mid cusub loogu samayn lahaa.

Waxa uu xusay in lagu gudo jiro Tallaabooyinka Gebi ahaanba Manhajka Somalilandd iyo midka Somaliland labadaba, waxana uu sidoo kale tilmaamay in lasoo saari doono natiijada manhajkaas oo lagu wado inuu noqdo mid la jaanqaadaya Technolojiyadda Casriga ah ee maanta dunidu ku tallaabsatay.

Isbeddelka lagu wado Manhajka Waxbarashada Aasaasiga ah ee Somaliland, ayaa warkooda hore loo hayey, iyadoo warbaahinta qaarkood hore u sheegeen in midaynta Labada Manhaj ee Somaliland iyo Somalia lagu hawllan yahay, taas xogeheeda laga helay Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Hadalkan sarkaalka ka tirsan Ururka Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli ay wasaaradda Waxbarashadu sida Fiinta uga qaylisay Warar sheegayey midaynta manaahijtan oo laga Baahiyey, kaas oo ay ku sheegeen Been aan raad lahayn.

Taas beddelkeeda waxa uu sarkaal Maxamed Fadoul qiray inay Marka hore yihiin xarunta kaliya ee iyagu gacanta ku haysa, isla-markaana caawimada ugu weyn ka geysata Manhajka Somaliland, isagoo intaas ku daray inay wadaan dib u habaynta lagu Hayo manhajka dalka, kaas dhawaan loo beddeli doono qaab la mid ah mid Somalia laga hirgelin doono.

 

Arrintan ayaa caddayn u ah Ceebaha qarsoon ee Wasiir Samsam ay  Manhajka Somaliland kula mataanaynayso midka Somalia, isla-markaana ay shacanka ka qarinayso iyadoo ku doodaysa inaanay midayni jirin oo  ay Somaliland waxeeda u madax bannaan tahay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed