|

Dibad-wareegga Khaatumo Oo Ku Hawllan Qorshe ay Ku Weerarayso Magaalada Lascanod iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Heegan ugu jira

Lascanod:Aug,08,2014(SDN/QJ)-Fallaagada Dibad-wareegga ah ee Khaatumo, kuna sugan Miyiga Deegaanka Saaxdheer, ayaa ku Hawllan qorshe ay weerarro gaadmo ah ugu soo qaadayso Ciidamada qaranka somaliland ee Deggen aagga lascanod.

khecSida ay sheegayaan warar hoose oo aanu ka helay Shir ay saraakiil kooxdaas ka tirsan iyo madax-dhaqameed ay isku  fikir yihiin ku yeesheen Deegaan u dhaw magaalada Saax-dheer, waxa  ay go’aamiyeen inay weeraraan Magaalada Lascanod, iyadoo weerarkaasina ahaan  doono mid gaadmo ah.

Waxa ay kooxdani qorshaysay inay ciidanka Somaliland ee Halkaas ku sugan u bababac dhigaan, isla-markaana ay abuuraan jawi cabsi leh oo ay shacabka ku tusayaan inay xoog wax ku samayn karaan.

Kooxdan oo taagtoodu sii ciiraysay muddooyinkii ugu dambeeyye, isla-markaana dhibaato dhaqaalo la’aan ahi wiiqday, ayaa haatan go’aansaday inaanay ku sii jiri Karin goobaha hawdka iyo miyiga ah, isla-markaana ay tijaabiyaan Cududooda oo ay tuhunsan yihiin ka hortegi karta Kumanaanka ciidanka qalabaysan ee Somaliland Halkaas u jooga.

Ciidanka qaranka Somaliland ayaa iyagu ku jira Heegan Buuxa, waxana ay u dhug leeyihiin halis kasta oo kaga timaada dhinaca Kooxdaas, iyadoo la dareemayo dhaqdhaqaaqyo lagaga hortegayo iskuday kasta oo kooxdan ka yimaadda.

Fallaagada KHaatumo ayaa dhawaan waxa laga sifeeyey magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo ay  haatan Somaliland Gobol u magacowday, waxana horumarkii laga wadaa Deegaanada ay Fallaagadu dibudhaca ku ridday oo haatan dawladnimadu gaadhay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed