400-Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Somalia Oo Haysta Derejooyin Beer-abuur ah
Muqdisho:Aug,08,2014(SDN/QJ)-General Daahir Aadan Xasan Indhaqarshe oo ah taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Somalia, ayaa markii ugu horaysay sheegay inay hayaan ku dhawaad 400-saraakiil Haysata Derejooyin Been abuur ah oo aan jirin.
Taliyaha ayaa waxa uu hadlkaasi ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Wasaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho, waxa uuna Tilmaamay inay wadaan dabagal lagu xaqiijinaayo qaadashada Darajooyinkaasi.
“Arrintan waxaan u xilsaarnay guddi warbixintii ay keennanna waxaanu hor-dhigi doonnaa golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya,” ayuu yidhi Jen. Indha-qarshe.
Dhanka kale, Jeneraalka ayaa intaas ku daray in ciidamada xoogga dalka aanay lahayn saraakiil xigeenno, ayna dhawaan tababar ugu fureen saraakiil xigeennada ciidamada xoogga dalka xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho.
Haddalka Taliyaha ayaa waxa uu imanayaa Xilli Madaxweyne Xassan uu xilka ka qaaday inkabadan 600 Saraakiil ah, waxa ayna u muuqaneysaa in 400 Saraakiil ay mari doonaan wadadii ay mareen kuwii hore.
Saraakiisha hore ee xilka laga qaaday ayaa loo tiriyey inaan derejadoodu ahayn mid sax ah, waxana ay taasi keentay in laga tiriyo xilalkii ay qaranka u hayeen.
SDN/QJ