Xabad joojintii Israel iyo Xamaas oo burburtay iyo sababha keenay
Gaza Aug 08,2014(SDN/QJ)-Xabad joojin dhawr maalmood aheyd oo u dhexeysay maamulka Huyuuda Israel iyo kooxda Xamaas ayaa burburtay ka dib kolkii wakhtigeedii uu dhamaaday isla markaana ay garabka hubeysan ee Xamaas ay gantaalo ku tureen Israel.
Waxa maalmihii u danbeeyay ka socday magaalada Qahira wadahadalo lagu dhexdhexaadinayo Xamaas iyo Israel oo ay garwadeen ka tahay dawlada Masar.
Kooxda Xamaas ee ka arimisa Gaza ayaa sheegtay in ay dooneyso in Israel ay xanibaadaha ka qaado marinka Gaza si degaanadaasi dib loogu dhisi lahaa.
Dawlada Israel ayaase ku adkeysaneysa in aaney dooneyn in Xamaas loo fasaxo in ay Gaza geyso hub iyo qalab dhismo oo dib loogu dhiso wadooyin dhulka hoostooda mara oo Israel gala.
Israel ayaa sidoo kale sheegtay in ay daneyneysay in la kordhiyo mudada xabad joojinta Gaza balse ay haatan masuuliyada burburka dhabarka u ridan doonaan Xamaas.
Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegay in ay saaka dhawr gantaal ay ku tureen dhinaca Israel, halka Israel ay sheegtay in ay ka fiirsanayaan jawaab ay weerarkaa ka bixiyaan.
SDN/QJ-Gaza