Obama oo amray duqeynta kooxda ISIS ee isku balaarineysa dhulka Masiixiyiinta Ciraaq
Washington Aug 08,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay faray ciidamada circa ee Mareykanka in ay duqeymo la beegsadaan kooxda islamiyiinta ee ka dagaalanta Ciraaq ee ISIS hadii ay u soo dhaqaaqaan dhanka buuraleyda ku xeeraan degaanada qowmiyada Kudida oo ay haatan u qaxeen masiixiyiinta Ciraaq.
Bulshooyinka Masiixiyiinta,Shiicada iyo Yazidiyiinta ayaa ka yaacaya kooxaha Islamiyiinta ee ISIS oo faray in ay ama islaanimo qaataan ama ay dhimasho aqbalaan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in la iska hortaago kooxda ISIS in ay gasho magaalada Kurdida ee Irbil oo ay ku sugan yihiin bulshooyinka laga tirade badan yahay iyo lataliyeyaal Mareykan ah oo gacan siiya ciidamada Kurdida iyo kuwa Ciraaq.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale amray in raashin iyo biyo nadiif ah lala gaaro dadka bara kacayaasha aha ee ku sugan buuraha Kurdistan ee ISIS ka yaacaya.
SDN/QJ-Washington