Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab oo Cisbitaalka Ku Booqday Maanta Haweenkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Shalay
Muqdisho 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maamulkiisa, saraakiil ciidan iyo ururrada haweenka ayaa maanta booqday isbitaal Madiina oo lagu daweynayo 7 haween ah oo ku dhaawacmay qarax shalay lagula eegtay dagmada Hodan, xilli ay ku guda jireen howlo nadaafadeed.
Xubnaha booqday isbitaalka ayaa haweenka guddoonsiiyay lacag deeq ah.
Agaasimaha Isbitaal Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay haweenka oo mid mid ah qalliin loogu sameeyay ay xaaladdooda soo hagaageyso.
Muungaab ayaa labada gole ee dowladda u soo jeediyay in ay booqdaan dadka ay waxyeellada u geysteen kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna lacagta deeqda ah ee ay guddoonsiiyeen haweenka ku tilmaamay mid niyad-dhis ah.
Qaraxa haweenka lagu dhaawacay wuxuu shalay ka dhacay Carwadii hore ee degmada Hodan.
Dhinaca kale, guddoomiye Muungaab wuxuu xaqiijiyay howlgal ay maanta ciidanka ammaanka ka sameeyeen Muqdisho in lagu soo qabtay 10 qof oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com