|

Kulankii labaad ee Is Xogwaraysi ah oo Wasiirka Madaxtooyadu la Yeeshay Jaaliyada Sucuudiga

Jidda 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Madaxtooda Somaliland, Mud.  Xirsi Cali Xaji Xasan oo wali booqasho ku jooga Waddanka Sacuudiga ayaa sii wada kulamadii uu la yeelanaayay Jaaliyada ku dhaqan gobolada dalkaas.

Wuxuuna kulankii ugu danbeeyay la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Magaalda Dammam Ee Dalka Sacuudiga, kulankaas oo isugu jiray soo dhaweyn iyo xog-waraysi wuxuu Wasiirku uga xogogaal waramay Jaaliyada Somaliland halkuu maraayo dalkii, isagoo xusay doorka tariikhiga ah ee rer Sacaduudi ku leeyhiin dibudhiska waddanka iyo halgankii xoriyada lagula soo noqday.

xirsi-300x225 Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Jaaliyada dalkaasi  si weyn ugu xiisaynaayeen horumarka  dhinaca wadooyinka, wuxuu faah faahin ka siiyay isbadalka ay dalka ku keenayaan hagaajinta jidadku, isagoo ammaan u jeediyay  Jaaliyada Magaaladda Jidah oo ugu deeqay dhismaha jidka ugu weyn dalka ee Ceerigaabo 130,000 oo doolar oo kaash ahaa.

biriijka-sucuudiga-300x209Geesta kale Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan  wuxuu  Booqasho Gaaban Ku Tagey Biriijka Isku Xidha Dalka Sacuudiga iyo Bahrain, buundadaas oo dhex-marta badda dusheeda, loona yaqaan King Fahd Causeway, wuxuuna sheegay in Somaliland maalin kamid ah maal maheeda haddii alle idmo ka midha dhalin doonto dhismaha buundooyin tan lamid ah, hadii lala yimaado dadaal iyo wax wada qabsi.

Jidda SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed