|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daahfuray Mashruuc Wax badan ka Taraya Adeegyada Aasaasiga ah

Hargaysa 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa maanta Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ka furay Mashruuca horumarinta Somaliland kaasoo wax lagaga qabanayo dhinacyada xoolaha,deegaanka,biyaha beeraha iyo waddooyinka.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,ayaa ku dheeraaday sida  ay mashaariicdani muhiim ugu yihiin dalka Somaliland isagoo sheegay in ay yihin kuwi ugu horreeyay ee ay dawladda Somaliland taladiisa leedahay isla markaana ay ka baaraan degtay meelaha  wax lagaga qabanayo ee horumarka laga hir galinayo wajiga koowaad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxaa kaloo uu tilmaamay inn aanay isku galayn danta gaar ah iyo danta guud isla markaana ay muhiim tahay in labadaa la kala qaado oo la horumariyo danta guud ee la wada leeyahay taasoo  ah mida kaliya ee guul lagu gaadhi karo,waxaanu u soo jeediyay siyaasiyiinta mucaaridka ah in aanay ka hor iman waxyaabaha horumarka dalka ahe ee waddanka laga qabanayo isagoo ku waaniyay in ay kala qayb qaataan arrimaha horumarka ee dalka iyo dadkaba wax u taraya ee ay dawladdu waddo.

“Ugu horrayn waxaan bulshada reer Somaliland u sheegayaa in ay mashaariicdani yihiin qaar dalku leeyahay oo waddanka oo dhan wax loogu qabanyo,mana jirto cid gaar ah oo wax loo qabanayo iyo qof si gooni ah loogu naas nuujinayaa ummadda ayaa leh oo waddanka,ayaa leh waxaana loo baahan yahay in aynu dawlad iyo shicibba u wada guntanno sidii aynnu dalkeena wax ugu qaban lahayn ee aynu uga dhigi lahayn dal aynu tacab badan galinno oo halka ay nolosheenu ku xidhan tahay aynu ka wada shaqayno,sida xoolaha,beeraha biyaha iyo wax kasta oo horumar ah.”Madaxwyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata isla markaana la hadlaya siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa yidhi.

“Waxaan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah in aanay wax kasta mucaaridad uu aanay galin oo aanay dhaliilin ee wax qabadka dalka laga hir galinayo ee ay dawladdu waddo ee dalka iyo dadkaba ay dani ugu jirto waxaan u soo jeedinayaa in ay  dhiiri galiyaan oo ay ka qayb qaataan,dadweynaha reer Somaliland-na waxaan u sheegayaa in mashaariicdan imika la bilaabayaa in ay yihiin kuwii ugu weynaa ee aynu inagu qorshaynay meelaha wax lagaga qabanayo waana qaar la inagu eegayo oo haddaynu si wanaagsan u maamulanno halkaa ka sii soconaya oo qaar badan oo kalena ay daba socdaan oo dhakhso u bilaabmi doona,ugu dambayn waxaan u mahad naqanayaa labada dawladood ee noqday abadii waddan ee ugu horreeyay ee dhaqaale ku shuay sanduuqa horumarinta Somaliland oo ah sanduuqa laga hirgalinayo mashaariicdan,waxaan leeyahay aan u wada guntanno in aynu hawshaa sida ugu wanaagsan uga soo baxno.”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici)

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed