Raysal Wasaaraha Somalia oo Ka Qayb galay Kulan looga hadlayay Xaalada amni iyo Su’aalo la Weydiiyay
Muqdisho 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay kulan looga hadlay xaaladda amni ee caasimadda dalka.
Kulanka oo lagu qabtay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho waxaa qaban qaabiyey machadka daraasaadka ee Heritage, waxaana ka qayb galay xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ka qayb galeyaasha kulanka uga jawaabey su’aalo la xiriira ammaanka caasimadda, gaar ahaanna doorka xukuumadda ee sugidda nabad galyada xildhibaannada qaranka.
Cabdiwali Sheekh Axmed, ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumaddu wax ka qabanayso xaaladda nabad galyo ee ay caasimaddu ku sugan tahay xilligan.
Ra’iisal wasaaraha ayaa intaas ku daray in la saxayo gabi ahaanba dhaliilaha loo soo jeediyey xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Kulanka maanta ayaa ku soo beegmay, xilli ay magaalada Muqdisho ku soo badanayaan dilal qorshaysan oo loo geysanayo shakhsiyaad muhiim ah oo qaarkood ahaa xubno ka ahaa baarlammaanka Soomaaliya.
Muqdisho SDN/QJ